Dooddii xalay ee Donald Trump iyo Hillary Clinton oo isku beddeshay fagaare la isku fadeexadeeyo

 

Murashaxa Dimuqraadiga Hillary Clinton iyo murashaxa Jamhuuriga Donald Trump ayaa xalay foodda is daray dood la filayey in ay diiradda saarto mustaqbalka Maraykanka laakiin isku bedeshay aflegaado aan wax la iskula hadhin.

Hillary Clinton ayaa wax laga yaqyaqsoodo ku tilmaantay cajaladdii toddobaadkan la baahiyey ee uu Donald Trump ku qiranayey in uu isku dayey in uu u galmoodo haweenay xaas ahayd oo u shaqaynaysay telefishan uu mulkigiisa qayb lahaa.

“Trump wuxu u dhaqmayaa si aan laga fileyn in uu u dhaqmo qof masuul ah oo Maraykan ahi marka la eego cajaladdii toddobaadkan la sii daayey ee uu sharafteeda ku dilayey haweenay marwo ah” ayay tidhi Clinton.

Trump dhiniciisa wuxu weerar ba’an ku qaaday Hillary Clinton wuxuuna ku sifeeyey in ay tahay “shaydaamad beenalay ah”. Wuxu sidoo kale weerar ku ekeeyey Bill Clinton, sayga Hillary Clinton, oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin Maraykanka oo dhami ogyahay in uu sameeyey fogol dhaaf isla markaana uu yahay nin haweenka kusfasada. Markii uu ereyadaas lahaa waxa madasha doodda fadhiyey Bill Clinton iyo inantiisa Chelsea.

Waxa xusid mudan in si lama-filaan ah uu Trump u soo kaxaystay haweenay ku doodda in uu Bill Clinton kufsaday.

“Haweenaydan oo Bill Clinton kufsaday anigu maan soo khasbin in ay fagaaraha timaad laakiin iyada ayaa sidaas jeclaysatay” ayuu yidhi Trump.

Anderson Cooper oo ka mid ah labada weriye ee doodda daahinayey ayaa isku dayey in uu doodda dhinac kale u jeediyo.

” Trump, waadiga yidhaa Maraykanka waxan ma labaad ka dhigayaa dal heer sare ah. Bal noo sheeg sida aad uga dhigi doonto?”

Trump wuxu yidhi “ISIS baan baacsan doonaa.”

Trump ayaa sidii dooddii hore oo kale marar badan hadallada ka dhex galyey Hillary Clinton, wuxuuna u.muuqanayey nin iska hor iyo daba imanaya.

Xataa waxa jirtay mar uu ka hor yimid hadal uu sheegay ku-xigeenkiisu Mike Pence.

“Kuma raacsani ku-xigeenkayga in gantaallo lala dhaco magaalada Allepo ee Suuriya si looga furdaamiyo xukuumadds. Hadalkaa islama ogin” ayuu yidhi Trump.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxay ahaayeen qaar aan u wanaagsanayn Trump kadib markii ay Hillary kaga adkaatay dooddii koowaad ee la qabtay 26kii September. Sidoo kale waxa la sii daadegay fadeexado haween uu aflegaadeeyey ah oo ku soo baxay.

Inkastoo ay muuqatay in xalayna ay Hillary Clinton gacan sarraysay, haddana weli rasmi looma shaacin cidda ku guulaysatay dooddii xalay. Halkan kala soco hadba wixii ka soo kordha.