Horraantii sannadii 1987-kii ayaa lagu dhawaaqay Aas-Aaska ururka Xamaas. Maxamuud Zahar ayaa hormood ka ahaa bilowga yegleelida ururka Xamaas. Sababta keentay in la aas-aaso ururka ayaa lagu sheega dhawr sababood, balse waxa ugu weynayd, markii dad fara badan oo falastiiniyiin ahaa uu gaadhi jiidhsiiyay dirawal yuhuudi ah, si ula kac ah, laakiin dawlada Israa’iil ayaa ku macnaysay shil gaadhi, taaso ayaa dhalisay cadho weyn iyo isu-soo-baxyo ka dhacay Gaza iyo daanta bari (West Bank).
Kacdoonkan waxa calanka u siday Sh. Axmed yaasiin iyo lix kale oo falastiiniyiin ah. Sh. Axmed yaasiin wuxuu hore uga mid ahaa ururka ikhwaanu Muslimiinka reer Masar, balse markuu Xamaas ku dhawaaqay ayuu ka baxay. Markii dambe Sh. Axmed yaasiin wuxuu noqday hogaamiyaha Ruuxiga ah ee ururka Xamaas.
Sannadkii 1989-kii ayuu ururka Xamaas qaaday weerarkii ugu horeeyay ee ay ku qaadan ciidanka Israa’iil iyo shacabkooda. Weeararka waxay af-duub ahaan ugu dileen laba askari oo yuhuud ah. Iyagoo arrintaasi kaga jawaabaya ayay dawlada Israa’iil xidhay Sh. Axmed yaasin, waxa ay ku xukuntay xabsi daayin ( life in persion).
Waxa kale oo mastaafurisay Maxamuud Zahar iyo 400 oo ka tirsan ururka Xamaas dhinacaa iyo koonfurta Lubnaan, oo wakhtigan ay haysatay dawlada Israa’iil. Markii ay tageen koonfurta Lubnaan waxay heshiis hoose la galeen ururkii Xisbulaha oo wakhtigaasi dagaal dhuumalaysi ah kula jiray dawlada Israa’iil.
Sannadihii 1987 ilaa 1991 ururka Xamaas magaalada Gaza ku soo rogeen inay dumarku xidhaan xijaabka, si looga hortago inay faafto xumaantu loona fuliyo sharciga ilaahay. Dumar badan oo arrintaasi ka dhaga-adaygay waxa loo taxaabay jeelasha.
Ku-dhawaaqistii Garabka Hubaysan
Sannadkii 1990-kii waxa ay Xamaas aas-aastay garabka hubaysan ee ururka oo loogu wanqalay Din Al-Qassam Brigades. Garabkan Milataray waxay si rasmi ah u hawlgaleen sannadkii 1991-kii, ka dib markay in muddo ah tababar qaadanayeen. Garabkan hubaysani waa qayb ka tirsan ururka Xamaas siyaasad ahaan iyo fikir ahaanba, balse waxay u shaqeeyaan si madax banaan.
Horaantii sannadkii 1992-kii ilaa 1993-kii ayuu garabkan hubaysani(Al-Qassam wuxuu qaaday shan weerar oo waaweyn oo isugu jira qaraxyo, is-miidaamin iyo weerao toos ah. Waxa ay ku laaheen shacab yuhuu ah iyo askar yuhuud ah. Markii weerarku dhacay waxa markiiba masuuliyada weerarka toos u sheegatay ururuka Xamaas. Shantan weerar ayay Xamaas ku noqotay caan adduunka oo dhami indhaha ku soo jeediyeen.
Dabayaaqadii sannadkii 1992-kii ayay ururka Xamaas weerar qaadmo ah ku dileen sarkaal sare oo booliska Israa’iil ah oo xuduuda ku sugan. Israa’iil ayaa kaga jawaabtay weerarkaasi inay mastaafurisay 415 ka mid ah xubnihii ugu firfircoonaa ururka Xamaas waxaanay geysay dalka Lubnaan. Falkan mastaafurinta waxa qaraar ku cambaareeyay golaha ammaanka ee qaramada midoobay, oo siday imika yihiin wakhtigaasi dhaamay.
Sannadkii 1993-kii ayuu M/weynihii Falastiiniyiinta ee wakhtigaasi Yaasir Carafaat wuxuu heshiis kula galay dawlada Israa’iil dalka Norway magaalada Oslo, heshiiskaasi oo ay ugu weynayd in xabbad joojin iyo nadab lagu wada noolaad, waxa ku gacansaydhay ururka Xamaas.
Sannadkii 1996-kii ayay sirdoonka Israa’iil khaarajiyeen Yaxye Yash oo ay Israa’iil ku sheegtay inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay qaraxyadii iyo weeraradii lagu soo qaadayay muddo dheer.
Sirdoonka Israa’iil oo ku fashilmay isku-day-dil ee Khaled Mashaal
Badhtamihii sannadkii 1997-kii ayuu sirdoonka Israa’iil ku fashilmay inay shirqool ku dilaan hogaamiyaha Xamaas Khalid Mashaal isagoo ku sugan dalka Urdun. Khaled Mashaal wuxuu ka qaybgalayay shir ay lahaayeen Falastiin iyo Urdu. Shirka ayaa lagaga wadahadlayay sii daynta hogaamaha ruuxiga ah ee Sh. Axmed yaasiin.
Laba sanno ka dib Xamaas ayaa laga mamnuucay dalka Urdun, ka dib markii ay culus saareen Maraykanka, Israa’iil iyo dawlada Falastiin. Muddo yar ka dib ayuu boqor Abdullaha Urdun sheegay inuu ka cabsi qabo xidhiidh uu sheegay inuu ka dhexeeyo mucaaradka Urdun iyo ururka Xamaas.
Sannadkii 1999-kii ayay dawlada falastiin xidhay hogaamiyaha Xamaas Khaled Mashaal iyo Ibraahim Ghosheh iyagoo ka soo noqday safar ay ku tageen dalka iiraan. Waxaana lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin urur sharci darro ah, oo gobolka dagaal ka hurinaya. Waxa kale oo lagu eedeeyay inay Iiraan hub iyo khuburo tababarayaal ah kala soo heshiiyeen. Waxaana lagu xukumay dambiilayaal, balse Khalid Mashaal wuxuu ku tilmaamay falkaasi mid sal iyo raadtoona lahayn. Aakhirkiina waxa loo mastaafuriyay dalka Suuriya, halkaasina wuu degay.
Sannadkii 2000 waxa bilaabmay kacdoonkii ay shacabka reer falastiin kaga soo horjeedeen qabsashada yuhuud ee dhulkooda. Mudadii uu socday kacdoonku dadka shacabka ee ku dhintay waxa lagu qiyaasay 5,500, halka yuhuuda dhimatay lagu qiyaasay 1,100 iyo 64 shisheeye. Weeraradan waxa qaaday guutada Al-Qassam oo ah garabka hubaysan ee Xamaas.
Sannadkii 2001-dii ayaa bamboo lagu weeraray hudheel ay ka cunteeyaan yuhuudu, waxaana qudha lagaga jaray 15 yuhuud shacab ah. Markii falkaasi dhacay ayuu af-hayeen u hadlay ururka Xamaas ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen, oo ay kaga aargoosanayeen dilka ay Israa’iil u geysatay laba hogaamiye oo ka tirsan ururkooda.
Sannadkii 2004-tii ayuu Sh. Axmed yaasiin ku dhawaaqay inay Xamaas joojisay dagaalkii ay kula jirtay dawlada Israa’iil iyagoo ku bedeshay dawlada ay falastiin yeelato oo fadhigeedu yahay daanta Bari, Bariga Jerusalem iyo Qasa. Intaasi ka dib sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Al-Rantissi ayaa sheegay inay jirto 10 sanno oo heshiis ahi, oo lagu bedelanayo dhammaan dhulkii ay Israa’iil ka qabsatay falastiin dagaalkii lixda cisho ee dhacay 1967-kii ee dhexmaray carabta iyo Yuhuuda. Si dhakhso ah ayay Israa’iil uga jawaabtay hadalka Al-Rantissi waxaanay ku micnaysay hadal aan daacad ahayn oo been ah. Waxay sheegtay inaanay marnaba ka baxayn dhulka ay qabsatay.
Isla-sannadkii 2004-tii ayay Israa’iil weerar qorshaysan oo dhinaca circa ah ku dishay Sh. Axmed yaasiin oo ahaa hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Xamaas. Bishii afraad ee 2004-tii ayay weerar kii la mid ah ku dishay Al-Rantissi.
Doorashooyinkii Xamaas ku guulaystay
Sannadkii 2006-dii waxa la qabtay doorashadii dawladaha hoose ee falastiin. Ururka Xamaas wuxuu hore ugu gacansaydhay doorashadii M/weynaha ee la qabtay sannadkii 2005-tii, taaso uu ku guulaystay Maxamuud Cabbaas oo uu bedelay Yaasir Carafaat. Xamaas waxay cod aqlabiyad ah ka heshay magaalooyiinka Baytu laxam, Rafax, Qasa iyo Qalqilyah oo ka tirsan daanta Bari. Xamaas waxay kaga adkaatay ururka Fatax dhammaan deegaankaasi. Kuraasta ay ku guulaystay ayaa ahayd 74 kursi, halka kuraasta loo tartamayay ka ahayd 132 kursi.
Waxa kale oo Xamaas gacanta ku dhigtay askari yuhuudi ah oo la odhan jiray Gilad Shalit, markii dambe ay ku bedesheen maxaabiis fara badan.Badhtamhii sannadkaasi ayuu is-casilay Raysal wasaarihii falastiiniyiinta Axmed Qureec iyo golihii wasiiradiisa, si ay ururka Xamaas u soo dhisaan dawlad bedesha. Muddo yar ka dib Xamaas waxay doorteen Ismaaciil Haniya inuu noqdo Raysal wasaaraha cusub ee falastiin. Ismaaciil Haniya ayaa ku dhawaaqay golihii wasiirada ee dawladiisa, waxa ay ahaayeen 24 wasiir oo intooda badani ahaayeen xubno ka tirsan ururka Xamaas. Maxamuud cabbaas ayaa diiday inuu ku biro dawladan ay Xamaas isku koobtay.
Dagaaladii dhexmaray Xamaas iyo Fatax
Dabayaaqadii 2006-dii ayay isku dhaceen laba kooxood oo hubaysan oo kala taageersan Xamaas iyo Fatax. Dagaalka ayaa ka bilaabmay khilaaf soo kala dhexgalay wasiir ka tirsan dawlada Ismaaciil Haniyo iyo kooxo taageersanaa ururka Fatax oo Maxamuud Cabbaas hogaamiyo, oo diidanaa dawladan ay Xamaas isku koobeen. Garabka hubaysan ee ururka Fatax oo la yidhaa”Al-aqsa Brigade” ayaa af-duubay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan, balse way sii daayeen markii dambe. Dagaalada ka dhexqarxay labada urur waxa ku dhintay dad lagu qiyaasay 600 oo falastiiniyiin ah.
Sannadkii 2007-dii ayay dawlada Sacuudigu u qabtay labada dhinac shri dib-u-heshiisiin, waxaana lagu heshiiyay in la sameeyo dawlada midnimo qaran. Muddo ka dib waxa lagu dhawaaqay golihii sharci dejinta oo ka koobnaa 83 xubnood. Wixii intaasi ka dambeeyey Xamaas ayaa toos ula wareegtay maamulida magaalada Qasa.
Sannadkii 2007-dii sidoo kale ayay Xamaas sii kordhisay weerarada dhinaca gantaalaha ee lagu garaaco Israa’iil, waxaana lagu qiyaasay 40 sayruuq iyo 70 hoobiye. Israa’iil ayaa weerarada kaga jwaabtay duqayn dhinaca cirka ah, oo ay ku qaaday Qasa.
Sannadkii 2009-kii ayuu Khaled Mashaal ayaa sheegay inuu ururka Xamaas diyaar u yahay inuu wadahadalo la furo dawlada M/weyne Obama, sababta ayuu ku sheegay inuu ka fiican yahay maamulkii ka horeeyey ee W. Bush.
Sannadkii 2011-kii ayuu ismaaciil Haniy oo gacanta ku hayay maamulka Qasa tacsi u diray dilkii loo geystay hogaamiyihii Al-Qaciida Osama Binu laden. Wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa geesi iyo mujaahid xalaala ah oo ka dhashay carab (Holy Warrior).
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tixraacyo:
https://www.jstor.org/stable/2538077
https://www.fdd.org/analysis/2023/10/16/10-things-to-know-about-hamas/
https://www.jewishvirtuallibrary.org/background-and-overview-of-hamas
https://ciaotest.cc.columbia.edu/journals/jps/v41i3/f_0025591_20939.pdf