Nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu ka soo koobiyaysanay wadamada reer galbeedku waxa uu u muuqdaa mid aan si dhayal ah ugu xididaysan karinย Somaliland iyo guud ahaanba gayiga ay Somalidu dagto, marka la eego hab-dhaqanka siyaasiyiinta iyo sooyaalka bulshada Somalida oo ah mid ay qabyaaladdu halbeeg u tahay.
Waxa hubaal ah, in nidaamka dimuraadiga ahย ee aynu Somaliland ย hadda ka yegleelaynaa uu la daalaadhacayo dhibaatooyinka iyo duruufahaย ay qabyaaladdu beertay, ku waa soo laf-dhuungashay ku noqday hirgalinta nidaamka dimuqraadiga ah oo ku dhasan isla-xisaabtan, daah-furnaa iyo cadaaladย (check and balance).
Geestaย kalena wali ma muuqto calaamad iyo ifo-faale muujinaya in laga sii durkayo qabyaaladda iyo siyaasadda isbarkan ee gayigeena ku faaftay, taa soo u muuqata in ay maalinba maalinta ka denbaysaย sare u sii kacayso, iyada oo sidii hore ka casriyaysan.
Waxay shacabka Somalilandย ay rajo weynย ka qabeen in nidaamka axsaabta badan uu noqon doono, midkii ay kaga bixi la-haayeenย qabyaaladda, kala qo-qobnaanta iyo saboรฒlnimada daashatay, islamarkaana ay ku gaadhi la-haayeenย horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo wax ku ool ah.ย Nasiib-darro se taasiย waxay ย u muuqataa mid ay rajadeedu sii yaraanayso oo lagu hungoobay.
Marxaladda ay xisbiyada Somaliland hadda ku sugan yihiin, maaha mid ay shacabku u guuxayaan ama ay ku niyadsan yihiin, marka la eego hab-dhaqanka siyaasiga ah ee ay bulshada la wadaagayaan.
ย Marka la eego sida xisbiga talada hadda hayaa uu u surmo-seegtaynayo halka ay bulshadu ka taahayso, ama ay ka dhutinayso, sidoo kalena uu ula kacaa-kufayo masuuliyadda iyo xilka ka saaran sidii uu ummadda ugu geedi-galin lahaa guri ka barwaaqaysan kan aynu maanta ku nool yihiin.
Marka la eego sida xisbiyada mucaaradku ugu guuldaraysteen in ay bulshada u soo bandhigaanย qorsheyaal cad cad oo si cilmiyaysana loogu sargooyay xaaladaha nololeed ah ee Somaliland hadda ka jira, haddii ay yihiin kuwo dhaqaale, kuwo siyaasadeed iyo kuwo bulsho, sidooย kalena ay awoodi-kari-waayeen in ay bulshadooda farta ugu fiiqaan jidkii ay gaadhi-lahaayeen, ย hadafka iyo himilooyinka ay ku riyoonayno.
Waxyaalaha kala ee cajaa’ibka leh ee aynu maanta arkayno waxa ka mid ah, in kuraasta hogaamineed ee xisbiyadu ay noqdeen kuwoย reero u kala suntan oo aanay cid kale soo hungurayn karin kursiga uu reerku leeyahay, islamarkaana uu hankaagu ku xidhan yahay hadba sida uu jaanis uga banaan yahay booskaย uuย reerkiinu xisbigaย ku leeyahay.
ย Waxaย taa ka sii daranย seddexdiiย xisbi qaran ee lays-lahaa waxay noqon doonaan xisbiyo sal-balaadhan oo ay iskugu yimaadaan haldoorka iyo ninkarmeedka ay bulshadu leedahay, waxay ย noqdeen meel ay iska leeyihiin shaqsiyaad yar oo kooban oo aan cid-kale waxba uga ogoleyn, haddiiba ay dhacdo in cidkale ay soo hungurayso, waxa daaqadda lagaga saaraa jiqil iyo laad aan tudhaale la hayn, oo waxaynu maalin walba aragnaa nin ama kooxย sida fiinta uga qaylinayaย warbaahinta.
Sideedaba ujeedooyinka iyo dulucda aynu xisbiyada u aas aasanay waxay ahaayeenย in ย ay seeska uย dhigaan saaxad balaadhan oo siyaasadeed, taa soo lagu carbinayo, laguna laylyayoย hadba inta hibada iyo hal-abuurka siyaasiga ahi ka dhex-guuxayo, si ayย bulshada ugu soo baxaan, hogaamiyeyaal han iyo himilo xambaarsan ooย ka sabata-bixin kara duruufaha iyo waayaha qallafsan ee shacabkooda soo wajaha..
Xisbiyadaย waxa loo aas aastay waxay ahaayeen,ย in ay la yimaadaanย mabadi’ iyo aragtiyo siyaasiyaย oo ay bulshada ku sooย jiitaan, ku waa soo ka turjumaya xaaladaha iyo baahiyaha dhabta ah ee ay shacabkuย dareenayaan, halka ay maanta qabyaaladda iyo tolnimada dib ugu cilinayaan, markii ay tahli-waayeen in ay bulshada wax kaleย ka iibiyaan.
Waxay arrimahan iyo kuwo kale oo badanibaย ย rajo beel ka dhigayaan hadafkii iyo ujeedii loo aas aasay axsaabta qaranka eeย ahaydย in lagaga guuro nidaamkaย beelaysiga iyo reernimada ku dhisan, loonaย guuro nidaam dimuqraadiya oo shuruuc iyo mabadi’i hagayso, (constitutional democratic system) kaa soo la jaanqaadi kara, nidaamyada casriga ah ee ay dunidu ku liibaantay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaย saluugga ay bulshaduย muujinaysoย udub dhexeed u ah seddexdan arrimood:- waa midda koobaad, xisbiyada qaranku malaha qorsheyaal iyo hal-beegyo siyaasiya oo ka turjumaya xaaladda dhaqan-dhaale eeย ay bulshadeennu hadda ku sugan tahay, haddii ay leeyihiinna maaha kuwo ficilkooda innooย muuqdo.
Waa midda labaade, xisbiyada dhexdooda kama jirto dimuqraadiyad iyo fur-furnaan siyaasadeed oo u gogol-xaadhi karta in ay dadka hanka lihiย jaanis u helaan, sidii ay ugu loolami lahaayeen garoomada siyaasadeed ee ay xisbiyadu gadh-wadeenka ka yihiin.
Waa midda seddexaade, xisbiyada laftooda ayaa u baahan in lagu sameeyo isbadalo siyaasadeed oo dhumuc meyn, ku waa soo taabanaya madaxda sare sare ee xisbiyada iyo inta u cumaamad in ay majaraha u qabtaan hogaaminta dalka, maxaayeelay ย xisbi walba waxa hor fadhiya shaqsi ama koox ay bulshada isku indho bateen, islamarkaanaย aanay ka sugaynin in wixii ay shalay soo qabteen, barri wax ka duwan ay la iman doonaan.
Ugu denbaleyn waxaan xisbiyada kula talin lahaa in ay la yimaadaan aragti siyaasiya oo ka jawaabaysa xaaladda nololeed ee bulshadeennu hadda ku sugan tahay, sidoo kalena ay ka waantoobaan in ay qabyaalad cod ku raadsadaan.
WQ: Cumar Axmed Cali
Email: cumaraxmed331@gmail.com/tel
Tell: 0634244802.