Xogo aan ka soo ururiyey covid iyo guddidii heer qaran ee Soomaalilaan (WQ: Khadar Cabdi Cabdillaahi)

Inta aanan xogta cusub kula wadaagin, aan ku xasuusiyo tii ay hore inoo la wadaageen guddida koronaha ee Soomaalilaan.
Waraaqaha hoos ku taxan 30 bishii Mey ee sannadkan ayey baahisay guddida heer qaran ee ka hortagga Covid 19 ee Soomaalilaan. Waxa xagga u dambaysa ku taalla lacag isu gaynteedu dhan tahay $7,310,000 (toddobada milyan, saddex boqol iyo toban kun oo doollar).
Wixii xukuumaddu bixisay waxa loo jajabiyey sidan:
Hal milyan iyo badh sanduuqa caafimaadka ayaa lagu shubay
Hal milyan sanduuqa qoyskaab
Hal milyan sanduuqa shaqo-kaab

Hal milyan sanduuqa dalagkaab

 

Telesom iyo Dahabshiil afar boqol oo kun oo doollar ($400,000) bay isugayn bixiyeen. Ganacsade Cabdiraxmaan Boore la yidhaahdo boqol kun ($100,000) ayuu isna bixiyey.
Intaasi isu gayn waa 4,500,000 + 400,000 +100,000 = 5,000,000(shan milyan). Intaasi waa wixii lacagnimo ah (cash). Wixii qalab ahina waa kuwan.

Xawaaladda World Remit qalab qiimihiisu dhan yahay hal milyan bay ku deeqday. Waxa aad ku dartaa Telesom oo bixisay qalab qiimo ahaan u dhigma 640,000 (lix boqol iyo afartan kun oo doollar) iyo Dahabshiil oo ku deeqday qalab u dhigma $600,000 (lix boqol oo kun oo doollar). Isu gayn intaasi waa $2,240,000 (laba milyan, laba boqol iyo afartan kun). Ganacsade Cabdiraxmaan Boore boqolkaa kun ee hore wuxuu ku daray qalab caafimaad oo gaadhaya $70,000 (toddobaatan kun oo doollar).

 

2,240,000 + 70,000 = 2,310,000 (laba milyan iyo saddex boqol iyo toban kun oo doollar). Waxa aad u sii gaysaa inta xukuumadda ama dawladdu ku dartay iyo boqolkii kun ee Cabdiraxmaan Boore . 5,000,000 + 2,310,000 = $7,310,000.
Lacagtii wacyigalinta loogu talogalay ma wada bixin ee si kale ayaa arrimaha qaar loo maareeyey. 06, Abriil, 2020 waxa Hargaysa gudaheeda la isugu yeedhay shirkadaha wax daabaca oo sagaal ahaa. Madbacadda qaranka iyo siddeed gaar loo leeyahay. Siddeed ka mid ah waxa lagu amray in middiiba daabacdo 850 istiikarrada yaryar ah. Hal mid, oo Sagaljet ahna, baannarada waaweyn ee jidadka hareerihooda biraha loogu rakibo ayaa loo diray. Dhammaan shirkaduhu bilaash ayey ku shaqaynayaan ee wax lacag ah lama siinayo. Shirkadahan qaar ka mid ah oo aan afkayga kula xidhiidhay baa ii xaqiijiyey.
Marka labaad, baabuurta wacyigalinta lagu samaynayaa waa kuwii dawladda ee buubuur lama kiraysan.
Marka saddexaad, baabuurtaasi shiidaalka ay ku shaqaynayaan lacag ma aha oo shirkadaha shiidaalka keena laga qaaday.

Waxa intaa sii dheer, iskaashatooyinka ama ururka kaalmaha shiidaalka oo tiro ahaan gaadhaya 147, waxaa middiiba lagu xukumay lacag kaash ah oo gaadhaysa $500 (shan boqol oo doollar). Mid ka mid ah kaalmaha shiidaalka ayaan ka soo xaqiijiyey. Boqol iyo afartan iyo toddoba min shan boqol ugu dhufo. 147 × $500 = $73,500 (saddex iyo toddobaatan kun iyo shan boqol oo doollar).

 

Hargaysa oo qudha, qof walba oo is baadhaya inta jawaabtu soo baxayso wuxuu karantiimo ku ahaanayaa gudaha cisbitaalka weyn ee Hargaysa. Sariirta habeenkiiba qofka waxa laga qaadaa $6 (doollar). Qof laba habeen ku jiray, nasiib wanaag laga waayey, ayaa ii sheegay. Qofkaas waxa kale oo ii sheegay, in shaqaalaha caafimaadka qudhoodu halis ku jireen oo aanay haysan wixii lagaga hor tagayey ee afka iyo gacmaha lagu xidhanayey. Lacagtii qalabka loo qoondeeyey iyo qalabkii lagu deeqayba tolow xaggee buu ka dhacay?
08 bishan Julaay (Arbacadii la soo dhaafay) ayaa xogtii u dambaysay lagu daabacay bogga wasaaradda horumarinta caafimaadka. Dadka laga baadhay waxa ay usbuucan gaadheen 3910 (saddex kun sagaal boqol iyo toban). Waa inta wasaaraddu inoo sheegtay. 773 ruux ayaa laga helay. Tiradaa hore ee 3910 ku dhufo min laba habeen oo kiradii sariirta ah. 2 habeen × $6 = $12. Ilaahaw aanad beerka u dhiman. $12 tirada guud ee la baadhay ku dhufo. $12 × 3910 = 46,920 (lix iyo afartan kun, sagaal boqol iyo labaatan doollar).

31, Maaraj ee sannadkan ayaa laga helay labadii qof ee u horreeyey Soomaalilaan, sida wasaaradda caafimaadku sheegtay. Waa markii koowaad ee cidi inta ay timi xarumaha caafimaadka is baadhay, ee ma aha markii ugu horraysay ee uu waddanka soo galay. Khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay illaa hadda lama yaqaan, warbixin buuxdana laga ma soo saarin.

 

Nin ka mid ah dadka ilaaliya xabaalaha halleeya ayaan la xidhiidhay. Wuxuu ii sheegay saddex jeer in ay kor u kacday tirada maydadka maalintii la keenaa. Dadka la hubay in ay xanuunka u dhinteen, si gaar ah bay dawladda hoose u aasaysay. Qof kasta oo dhinta waxa laga qaadayey $200 (laba boqol oo doollar).

Faarax Ismaaciil Cali Hammey waxa uu ka mid ahaa madaxda sare ee Dahabshiil. Madaxa Xisaabaadka Xawaaladda Dahabshiil (Chief Financial Officer) ayuu ahaa. 12, Juun, 2020 ayuu covid 19 ugu geeriyooday cisbitaalka weyn ee Hargaysa, Eebbe isaga iyo intii kaleba ha u raxmadee. Sida ay ii xaqiijiyeen eheladiisa, lacagta lagu aasay ee ay bixiyeen waxa ay ahayd $1,200 (kun iyo laba boqol oo doollar). Imisa qof oo dhintay baa laga qaaday inta u dhaxaysa $200 illaa $1,200?

 

Soomaalilaan waxa ay ku jirtaa waddamada aadka u qarinaya xaqiiqooyinka iyo tirada guud ee xanuunku gaadhay iyo cadadka u dhintay. 29 ruux oo qudha in ay u geeriyoodeen bay wasaaradda caafimaadku dadweynaha la wadaagtay. Waa wax aan sinnaba u suurogal ahayn tiradaasi.

Muddaharaaddadii dunida oo dhan looga dhigay ninkii madoobaa ee maraykan askartu ku dishay, George Floyd, waxa uu laba jeer kor u qaaday xawaarihii uu ku socday xanuunka koronuhu, sida wargaysyada reer Galbeedku baahiyeen. 18, Juun, ee sannadkan, markii Muuse Biixi ka aoo laabanayey Jabbuuti waa tii sida waallida ah jidadka la isaga soo buuxiyey. Xukuumaddii guddida iyo qarashaadka u samaysay la dagaallanka koronaha ayaa sidanna raalli ku ahayd abaabulkana aad uga shaqaysay waliba. Imisa qof oo hor leh buu maalintaa gaadhay xanuunku tolow?

 

Ganacsatada cuntada soo dejiya iyagana raashin baa laga qaaday. Sidaa awgeed lacag lagu ma bixin, ama waa wax aad u yar, 41-kii kun ee qoys ee Saylici maalintii dhaweyd sheegay in cuntooyin loo qaybiyey.
Waxa hoos loo dhigay wacyigalinta qaybtii ay ku lahayd saxaafadda dawladdu. Sababtu waxa la iigu sheegay in wasiir Koore oo warfaafinta ah iyo madaxweynekuxigeenku, Cabdiraxmaan Saylici, isku dhaceen. Koore wuxuu dalbaday wixii wasaaradda warfaafinta looga qoondeeyey adduunkii badnaa ee soo xarooday. Lacagtii saxaafadda loogu talogalay mooyi meel uu geeyey Saylici, gaar ahaan intii dambe.

Wacyigalinta waxa aad uga qaybqaatay ururradii bulshada ee gobollada badankooda. Dabcan, si lacag la’aan ah oo ay baabuurtooda iyagu shiidaalka ku shubanayeen bay hawsha ku galeen oo ku wadeen.

 

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka, Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maalin dhaweyd xafiiska ugu tagay Saylici, isaga doonaya in la soo daayo qarashkii loogu talogalay shaqadii wasaaradda caafimaadku ku soo aadday, kolka ay covid 19 noqoto. Xergeeye wuxuu kala soo kulmay Saylici jawaab yaabkeeda wadata oo ah, lacagtii dhammayd waxa aan ka hayaa $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar). Boqol waxa la siinayaa Boorama, boqolka kalena kayd baa loo haynayaa.

Waaxaas oo lacagyow ahi, iyo inta kale ay suurogalka tahay in ay qarsoon tahay, mooyi meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

 

Ugu dambayntii, waxa hadda fadhiya mashiinkii shaybaadhka covid 19 ee caasimadda Hargaysa. Waxa ka dhammaaday wax loo yaqaan “Reagent”. Waa waxyaabo la isku dardaro oo fududaynaya in ogaanshaha qofka xanuunku jidhkiisa ku jiro. Sida cisbitaalka Hargaysa la iiga soo sheegay, dad gaadhaya 900 (sagaal boqol) oo ruux baa shaybaadhadii lagu sameeyey jawaabahoodii la soo saari kari la’yahay. Mashiinkii Berbera yaallay isna walaxdaas ayaa gabaabsi ku ah. Ogobeey xanuunku iminka dunida kor buu u sii socdaa ee hoos uma soo dhicin.

 

Xisaabaadka sare haddii aad isu gayso, macaashka ka soo xarooday covid 19 toban milyan buu madaxa la galayaa. Guddidii heer qaran ee xakamaynta covid 19 meeday?