Xukuumadda oo xalkii Jaamacadda Hargeysa ugu wan-qashay eriga mid ka mid ah aasaaseyaashii SNM (W.Q. Eng. Baashe Cabdi Gaboobe)

Waxaan akhriyey warbixin uu qoray warsidaha caanka ah ee Wikileaks oo jabsaday kaydka safaaradda Mareykan ee Addis Ababa oo cinwaankeedu yahay Raysal Wasaarihii hore Itoobiya Meles Zenawi oo u ololeynaya in Somaliland hesho ictiraaf gaar ah ama xadidan- ( The late Prime minister of Ethopia Meles Zenawi lobbying for a semi autonomous recognition’ status for Somaliland).

Waxaaney sheegeysay warbixintani in Meles la shirey wasiir-xigeenka Mareykanka Arrimaha Dibedda Phil Carter bishii Jeniwari 30dii 2009, una sheegey inuu la soo hadal qaadey Rayaale Madaxeynihii hore ee Somaliland in la siiyo ictiraafka gaarka ah sida dawladda Falastiin, kana heley dareen celin fiican.

Markaa in talaabada labaad looga baahan yahey beesha caalamka inay ku qanciso Rayaale faa’iidada ay u ledahey siyaasadan Somalialnd, waxaanu ku dooday Zenawi in Somaliland oo hesha ictiraafkaa xadidan iney u fududeyneyso beesha caalamka in ay la macaamilka iyo taageerida dhinacyo badan sida nabad-gelyada Gobolka iyo hor-u-marinta arrimaha dimuqraadiyadda.

Waxaanu carabka ku adkeeyey inaan la aqbali Karin heerka xidhiidka Somaliland iyo beesha caalamku ku sugan yahay waqtigaas oo loo baahan yahay farsamo sharci oo lagu la macaamilo karo Somaliland.

Inkasto uu Meles ka dhegeystey Wasiir-xigeenka dhaliilo uu dhaliilaayo Rayaale daahidda qabsoomidda doorashada (Taaso doorashadi qobsoontey 26 june 2010 si nabad gelyo ahna loogu wareejiyey Madaxweyne Siilaanyo). Meles wuxu u soo jeediyey Wasiir-xigeenka in Somaliland u baahan tahay cid uga ololeysa ururka Midnimadda Afrika si loogu qanciyo arrintaa, waxaanu carabaabey Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ,isaga oo isagu iska fogeeynaya arrintaa si’ aan loo odhan Itoobiya ayaa kala go’goyneysa Soomaaliya.

Mareykankana iyo Igiriiskana wuxuu ka codsadey iney beesha caalamka qanciyaan marka Afrika lasoo ogoleysiiyo. Waxa nasiib darro ah markaad dib u jeleecdo heerka aynu waqtigaa mareyney iyo waxa dhacaya maanta sida muddo kordhintii ay Guurtidu u sameeysey Siilaanyo iyo barlamaanka iyo ku xadgudubka saxaafadda iyo xuquuqal insaanka oo sababtey in Mareykanku cadaadis saaro dawladda Sucuudiga si ay fiisayaasha iyo kaalme dhaqaale oo boqol milyan ah ugu diido Somaliland sida ay qortey warsidah India Ocean, maantana albaabada loo laabey xafiiska Midowga Yurub.

Allaa Mahadleh

Eng. Baashe Cabdi Gaboobe