Boobe waxa uu beeniyey in xilka laga qaaday

Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale oo shir-saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa Khamiistii ayaa ka hadlay warar uu ku tilmaamay been-abuur oo lagu baahiyey baraha bulshadu ku wada xidhiidho iyo shabakadaha warar qaarkood, kuwaasย oo sheegay in Boobe iyo Xamarji xilkii laga qaaday.

Boobe ayaa ku eedeeyey wararkanย sheegayaย xil-ka-qaadistiisa in ay ka danbeysay faafintooda xukuumaddu isaga oo aan cid gaar ah farta ku fiiqin.

Warqaddan uu Boobe Yuusuf Ducaale shaaciyey in ay been-abuurka tahay ee la sheegay in xilka lagaga qaaday isaga iyo Xamarji waxa ku saxeexan Xoghayaha Guud ee Waddaniย Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.

Boobe oo arrintan ka hadlaya wuxu yidhi:

โ€œAnigu saxaafad odhan maayee cid baa waxay qortay Boobe iyo Xamarji ayaa xisbigii laga eryayWaa ayaan-darro waddanka taal marka xukuumaddii dhammayd ee ummaddan masuulka ka ahayd ku meeraysanayso waxyaabo caynkaas ah.โ€

Dhinaca kale waxa uu Boobe shir-saxaafadeedkiisii kaga hadlay qaabka loo ilaaliyo Madaxweyne Siilaanyo mararka uu safarka ugu baxo gobolladda, waxaanu yidhi:

โ€œMadaxtooyadu ma ta marka uu madaxweynuhu madaarka tagayo beebeeyada ku kaxaysaa? Xukuumaddeenu ma ta Madaxweynuhu marka uu bacdalaha tagayo ayย Maxamed Biixi iyo Warancadde sii raacaan iyagoo khamiisyo xidhan baa? Somaliland ma tan dambaa mise waa ta laga baqayo ee beebeeyada laga fuulay. Labadan sawir kee baa muujinaya xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland ka jirta? Miyaanay ummadda dacaayad ku ahayn marka uu intaas oo beebee iyo intaas oo qori is daba dhigo?”ย 

Gabagabadii waxa uu Boobe xukuumadda ugu baaqay in ay diyaariso madal doorasho oo lagu tartamo haddii waxqabadka ay ku faanaysaa uu dhab ka yahay.

Waxa kale oo uu Boobe dhaliilay daaraha la dhisay ee ay xukuumaddu ku faanto, isaga oo sheegay in waddamada horumaray in ku hor mareen markii ay dadka dhiseen.

bandhige@gmail.com