Kulan lagaga arrinsanayo dhibaatada abaaraha ayaa lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada

Guddida abaaraha oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay oo uu guddoomiye u yahay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” iyo ha’yadaha samofalka ayaa shalay kulankoodii koowaad yeeshay, kaas oo lagu gorfaynayey qorshaha lagu waajahayo sidii waxa loogu qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.

Kulankan dhex maray Guddiga Abaaraha iyo hay’adaha samofalka ayaa daarnaa sidii looga jawaabi lahaa dhawaaqii abaareed ee ka soo yeedhaey deegaannada galbeedka oo ay ku dhufatay abaar ba’ani.

Madaxweyne-Xigeenka oo horkacaya guddida abaaraha ayaa soo bandhigay doorka ay xukuumaddu ku leedahay ka jawaabidda abaaraha iyadoo qorshaysay gurmad degdeg ah oo loo fidinayo dadkaasi dhibaataysan sidoo kale wuxu Madaxweyne-Xigeenku sheegay in hay’adaha looga baahan yahay in ay si degdeg ah uga qayb qaataan gargaarkaasi una gurmadaan shacbiga iyo xoolaha.

Hay’adaha samafalka ayaa dhankooda soo bandhigay in ay si degdeg ah uga qayb-qaadan doonaan gargaarkaas iyo mucaawimada la gaadhsiinayo gobollada iyo degmooyinka abaaruhu saameeyeen.

Si kastaba ha ahaatee abaarahani ayaa galaaftay nolosha dad iyo duunyo ku dhaqnaa deegaanada galbeedka Somaliland.

Sida aanu wararka ku helayno, walow ay Madaxweynuhu biyo-dhaamin degdeg ah ku baaqay, haddana weli gurmad rasmi ahi may gaadhin deegaanada abaaraha.

Xisbiyada mucaaridka ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in lacagtii uu ku kharas-gareeyey safarkiisii u dambeeyey haddii la kaydin lahaa ay wax ka tari lahayd gurmadka abaarahan hadda ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka.

Bandhige kala soco hadba wixii war ka soo kordha arrintan.

bandhige@gmail.com