Gabadh quruxdeeda darteed ku seegtay in ay ka mid noqoto Golaha Deegaanka Dahraan! (W.Q. Xasan Ciise Raage)

Mararka qaar dunida waxa ka dhacda xaalad xiiso badan oo cagsi ku ah sida ay dadka badankiisu filayaan. Haddii haween badan oo dunida ahi ay quruxdooda ku meel-mareen ama wax ku heleen Liina Sakhaali iyadu waxay ku wayday xilkii loo doortay quruxdeeda darteed.

Liina waxa loo doortay golaha deegaanka magaalo-madaxda Iiraan ee Tahraan kadib markii lagu eedeeyey in ay aad u qurux badan tahay oo ay keeni karto in raggu iyada shaqadooda kaga mashquulaan.

Liina Sakhaali waa 27 jir aqoonta injineeriyadda baratey, waxaanay isku soo sharaxdey in ay u tartanto in ay xubin ka noqoto golaha deegaanka ee xaafadda Kaasiyoon ee Tahraan. Waxay heshay tiro xad-dhaaf ah oo ka badan codadkii looga baahnaa in ay ku guulaysato, laakiin taasi ma ay caawin.

Halkii ay dadku ka filayeen in lagu wareejiyo kursiga golaha deegaanka ee ay u dedaashay waxa loo sheegay in aanay taasi suurogal ahayn oo ay khilaafsan tahay qawaaniinta Islaamka sida ay qortey mareegata lagu magacaabo Iranwire.

Hase ahaatee warar dheeraad ah oo la helay ayaa muujiyey in gabadhani aanay wax qaanuun Islaam iyo mid kale toona khilaafin balse ay quruxdeedu xad-dhaaf noqotay taas daraadeedna ay lagama maarmaan noqotay in laga joojiyo ka-mid-noqoshada golihii ay u tartantay.

Dunidu waa yaab. Haddii aad taqaanay in foolxumo wax lagu waayi karo, ku darso quruxdana wax baa lagu waayi karaa!

Xasan Ciise Raage

raagesom@gmail.com