Xulka Gobolka Gabiley yaan la Xisbiyeyn, Kooxayn lana beelayn (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Ciyaartii maalintii dhawayd uu ciyaaray Xulka Gobolka Gabiley waxaa dhacday in cadhaddii ay xukuumada muuse Biixi dadku u qabeen si cadaaladda ka fog ay kula dul dhaceen Xulka Gabiley. Garoonka dadkii joogay iyo kuwii barraha Bulshadda ku jirayba waxay godob aanay lahayn ku qaadeen Xulka Gobolka Gabiley. Dabcan, dadku musuqa, eexda iyo hogaan xumadda muuse biixi ayay ka gadoodsan yihiin.

Waxaa dhacday in Barkhad Jaamac Batuun oo ah af-hayeenka Xisbiga Waddani uu Xulka Gobolka la safnaa si wayna u taageeray kalana qaybgalay tabobarraddii. Haddaba waxaan la yaabay sababta xafladda Xulka ee ka dhacday Hiddo-dhowr xalay ay hogaanka Kooxdda Xulka oo u horeeyaan Saaxiibkay #CabdiCumar (awga) ay  ugu soo  casuumi wayeen. Waxaa kale oo la yaab lahayd in murashixiin Xisbiga Taladda haya ee KULMIYE ka sharaxan Kooxdii loo afduubay oo qol loogu xereeyay. Waxaa iyaduna fool-xumadeeda lahayd in beel kaliya oo ka mid ah 10-ka beelood ee degga Gobolka ay meeshaa isku camirtay. Inamaddu ma qaadi karaan godob ka badan ta ay imika qabaan ee ka daaya nimanyohow. Haddii aad reebaysaan maan sheegin.

Arintaas waanu cambaaraynaynaa waxaan leeyahay waar Xulka ha Xisbiyeynina, ha beelaynina, hana kooxaynina.  Waxaan si rasmi ah oo degdeg ah uga dalbaylnaynaa hogaanka kooxda laba iney mid soo galaan:

1) Iney raali-gelin ka bixiyaan Xisbiyaynta, kooxaynta iyo beelaynta Xulka Gobolka

2)In  aan u fidin doono casuumad Xisbigga Waddani ah Kooxda oo ay balan ii qabtaan maalmaha soo socda.