𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰𝗮 𝗕𝗮𝗿𝘄𝗮𝗮𝗾𝗼 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗜𝗯𝗮-𝗳𝘂𝗿𝗮𝘆𝗼 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗔𝘄𝗱𝗮𝗹

Agaasimaha Waaxda dhirta iyo daaqa iyo Engineer ka guud ee wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, ayaa maanta booqasho ku tagey deegaanka Hol-hol ee gobolka Awdal oo laga bilaabi doono wajiga koobaad ee Mashruuca Barwaaqo.

Iba-furka mashruucan waxa goobjoog ka ahaa isu-duwaha wasaaradda degaanka iyo isbeddelka cimilada ee gobolka Awdal.

Waasaaradda deegaanka ayaa degaanka Hol-hol ka bilaabaysa oo ay ka mid yihiin xal u helista fidinta Boholaha iyo sidii loo yareynlahaa Carro-guurka dhulka ku dhaca, kuwaas oo ka mida adeegyada mashruucani bulshads uga faa’ideyn doono.

Mashruucan ayaa faa’iido badan u leh bulshada loogu adeegi doono.