๐—ซ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ถ๐—ถ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐—•๐—ฎ๐—ฑ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ž๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฟ๐—ถ ๐—ฎ๐—ต ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—ค๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—›๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐˜†๐˜€๐—ฎ

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo lagu qabtay 411 xabo oo Khamri, kaas oo ay wateen dadyowga adeegsada garoonka, kaas oo lagu soo bandhigey goob fagaare ah.

Maamulaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanu jirin wax dhaafaya ciidanka iyo shaqaalaha garoonka isla markaana ay dadaalkooda la socoshada waxa ka soo dagaya garoonka ay libin laabayaan, waxaanu bulshada ka codsaday inay isticmaalkiisa ka waantoobaan.

Waxaanu yidhi.โ€œKhamriga aanu halkan ku hayna waa 411 xabo oo garoonka diyaaradaha ka soo degay, isla markaana ay wateen dadka ka soo degay.

Khamrigu waa shay xaaran ah, waa maandooriye, waa wax aan diintu ogolayn, bulshadana dhibaato kuhaya.

Garoonka wax gees maraya majiro, dadaalkayagana waanu sii libin laabaynaa, waxna geesmarayaana majiraan, qofkastana mishiinka baadhista ayuu maraya, haddii quraaradii ku jirto waalaga soo saarayaa.

Waxaanu bulshada ka codsanayna bahalkani waa dhibaate walaal iskadaa qofkii isticmaalow, naftiina iyo dadweyne ahaanba idiinma fiicna, dadka sitaana bulshada oo dhan maaha ee waa dad iska tirsan oo balwad u leh, dadkaasi waxaanu leenahay ILLAAHEY u noqda oo iskadaaya,โ€.

Sidoo kale sarkaal u hadlay ciidanka booliska ayaa sheegay inay abaalmarinayaan ciidamadii iyo shaqaalihii sababta u ahaa soo qabashada Maandooriyaha lagu qabtay garoonka.

Waxaanu yidhi. โ€œWaxa aanu halkan ku baabiโ€™inaynaa, 411 xabo oo Khamri ah, kaas oo ay gacanta ku dhigeen shaqaalaha ka hawlagala garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa iyo ciidanka boolisku.

Waxaan leeyahay shaqaalaha iyo ciidanka booliskaba hawshiina sii libin laaba, waajibaadkiina ayaad gudateen.
Waanu abaalmarin doona shaqaalaha iyo ciidamada ka hawlgalay soo qabashada Khamrigan,โ€.

Sarkaalku waxa uu faray dadka garoonka adeegsanaya ee Muwaadiniinta iyo ajaanibtaba leh inay ka fogaadaan isticmaalka Maandooriyaha.

Waxaanu yidhi.โ€œDadweynaha, muwaadiniinta reer Somaliland iyo dadka ajaanibta ah ee isticmaalaya garoonka ee ka soo degayaa, waxaanu ku wargelinaynaa in aanay dib ugu soo tallo galin, waxaanu leenahay wax nageesmaraya majiro, wax nalagala baxsanayaana majiroโ€