Calaamadaha Lagu Garto Adeer-Ku-Muwaadinka W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Intii aanu Adeerkii madaxweynaha noqon, wuxuu ahaa ka ugu horreeya ee cadowga qaddiyadda Soomaalilaan la dagaalama ee weliba caddaysta.
= Intii aanu Adeerkii madaxweynaha noqon, muu kala garanayn dalkiisa iyo ninka xukunka haya. Wuu is-raacin jiray. Ileyn ninka xukunka hayaa xilli kasta wuu tegi karaa, dalku se waa halkiisii.
= intii aanu Adeerkii madaxweynaha noqon, wuxuu cay toos ah u geysan jiray ninka xukunka haya iyo qoyskiisa isaga oo ku raalli gelinaya kuwa qaddiyadda Soomaalilaan la dagaallamaya.
= intii aanu Adeerkii madaxweynaha noqon, wuxuu ammaani jiray madaxda Soomaaliya, wuxuu sidan jiray calanka buluugga ah, isaga oo kala garan la’ inuu dalkiisa waxyeelayo iyo inuu ninka xukunka haya waxyeelayo.
= Intii aanu Adeerkii madaxweynaha noqon wuxuu dagaal kula jiray nin kasta oo difaacayey qarannimada Soomaalilaan.
= Maanta oo Adeerkii madaxweyne noqday, wuxuu doonayaa inuu qof cusub noqdo, oo uu qaddiyaddii Soomaalilaan ee waslad xaaraan ah ka dhigi jiray ka dhigo mid uu taageersan yahay oo uu difaacayo.
Like

Comment
Send