Daneeyayaasha Siyaasadda Ilaalinta Bad-qabka Cuntada Oo Shir Ku Yeeshay Xarunta Wasaaradda Beeraha

Hargeysa (WHB) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa waxa Maanta lagu qabtay Aqoon isweydaarsi ku saabsan la-tashiga daneeyayaasha siyaasadda ilaalinta (Badqabka) cuntada qaranka.

Ugu horayn, waxa shirka furay xidhiidhiyaha Mashruuca Mr.Cabdiqani Xasan, waxaanu u mahad-celiyay dhammaan daneeyaysha siyaasaddan oo ka kala socday Hay’adaha dawliga, kuwa maxaliga ah, Taiwan technical mission, Jaamacadaha dalka, xarunta cilmi-baadhista beeraha JSL.

Xidhiidhiyuhu wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyay isaga oo ka wakiil ah Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) oo ka taageeraysa Wasaaradda Beeraha.

Barnaamijkan ilaalinta Badqabka cuntadu waa mid ka mid ah barnaamijka magaciisu yahay *Institution Capacity Building Strengthening Program* oo ay WFP ka taageerayso Wasaaradda.

Xidhiidhiyuhu wuxuu ka hadlay wada-shaqaynta muhiimka ah ay la leeyihiin WFP iyo inay muhim u tahay la shaqeynta hay’addani.

Gebogabadii wuxuu ka hadlay ka hadlay muhiimadda ay u leedahay siyaasadani inay hirgasho iyo inay ka go’an tahay dhamaystirkeedu.

Waxa kale oo madasha ka hadlay Cabdirsaq Sheekh Muxumed (Gaboobe) oo ah khabiir ku xeel dheer ilaalinta badqabka cuntada.

Gaboobe, wuxuu carrabka ku dhuftay xaaladda cuntada ee dalku ku jiro iyo caqabadaha haysta.

Ibraahim Cumar oo ka mid ah khuburadda wasaaradda, ahna Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Beeraha oo shirka si rasmiya u furay, ayaa jeediyey dardaaran ku saabsan sidii loo dhamystiri lahaa siyaasaddan ilaalinta badqabka cuntada.
……
Madaxa Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL
Cabdiqaadir A. Carab

 

Bandhige@gmail.com