𝗧𝗮𝗶𝘄𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝗚𝘂𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗦𝗵𝗶𝗿 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗤𝗮𝘆𝗯𝗴𝗮𝗹𝗲𝗲𝗻 25 𝗗𝗮𝗹 𝗼𝗼 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗸𝘂 𝗝𝗶𝗿𝘁𝗼

Dalka Taiwan, waxa lagu soo gebogabeeyay Aqoon iswaydaarsi kulmiyey Khuburro ka kala socotay 25 Waddan.

Aqoon iswaydaarsigan oo ku saabsanaa ka faa’idaysiga Tiknoolajiyadda Wax soo-saarka Beeraha iyo sidii Waddamadu isku dhaafsan lahaayeen Aqoonta casriga ah ee wax-soo-saarka, ayaa waxa Somaliland uga qayb-galay Khadar Mawliid Ismaaciil oo ka mid ah Khuburrada Wasaaradda Beeraha.

Gaba-gabadii, aqoon iswaydaarsiga waxaa Khadar halkaa ku soo sagootiyay Safiirka Somaliland u fadhiya Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji.
.