๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐ฐ๐ช๐š๐š๐Ÿ๐ญ๐š ๐‰๐’๐‹, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐จ ๐ก๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š๐š๐ฌ๐ข.

๐‡๐€๐‘๐†๐„๐˜๐’๐€ – Wasiirka Diinta iyo awqaafta JSL, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani) ayaa xarunta wasaaraddaas kulan kula qaatay shaqaalaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Kulankan uu wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland la qaatay shaqaalaha wasaaraddaas ayaa daaranaa dardar-gelinta shaqada ay qaranka u hayaan shaqaalaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland,si wax laysaga weydiiyo waxyaalaha u qabsoomay wasaaradda iyo waxyaalaha aan weli u qabsoomin.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo kulankan shaqaalaha wasaaradda diinta iyo awqaafta loo qabtay ka hadlay ayaa tilmaamay in shaqaalaha wasaaradda looga baahan yahay in ay ogaadaan in laga doonaayo kor-yeelka diinta iyo ilaalinteeda,madaama oo arrintaas kamid tahay shaqada ay hayaan.

Waxa uu sidoo kale wasiir Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) kula dardaarmay shaqaalaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland in ay noqdaan kuwo fariin xambaareyaal ah, isla markaana qofkii ay ku arkaan khalad ay si dhibirsanaan iyo tudhaale ka muuqdo wax ugu sheegaan,una waaniyaan.

Wasiirka ayaa ugu dambayn goobta uga duceeyey walaalaha reer Falastiin ee ay dhibaatada ku hayso Yuhuudu.