40 qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Lubnaan

Laba qarax oo ka dhacay Lubnaan ayaa waxa ku dhintay 40 qof, in ka badan afartan qofna way ku dhaawacmeen, labadan qaraxan ayaa waxay ka dhaceen waddo mashquul oo ku taalla xaafadda shiicaddu ku badan tahay.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda labadan qarax . deegaanka qaraxyaddu ka dhaceen ayaa waxa ku xoogan kooxda Xisbullah oo gudaha Suuriya kula dagaalanta.

Dawladda Lubnaan ayaa ku dhawaaqday baroor-diiq qaran. Qaraxyadan ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu xumaa ee ka dhaca dalkaasi tan iyo markii uu dagaaladdii sokeeye ka dhacay 1990-kii.

bandhige@gmail.com