Agaasimaha Guud Ee W/Waxbarashadda & Sayniska Oo Dhagax-dhigay Fasalo Cusub Oo Lagu Kordhin Doono Dugsiga H/Dhexe Ee Deegaanka Gadhyogol.

(MOE&S-Media, 22/11/2018) Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Haldoor Axmed Abokor Maxamed iyo wefti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku tegay deegaanka gadhyogol oo ka tirsan degmada fara-weyne ee gobolka maroodi jeex. Agaasimaha iyo wefitigiisa ayaa safarkoodu daaranaa sidii ay u soo dhagax-dhigi lahaayeen dhisme laba fasal ah oo dhawaan lagu kordhin doono dugsiga H/Dhexe ee deegaanka gadhyogol. Dugsigan ayaa dhismihiisu ka kooban yahay lix fasal, kaas oo marka ardaydu fasalka lixaad gaadhaan aan haysan fasal kale oo ay uga sii gudbaan.
Sidaa darteed, Wasaarada Waxbarashadda & Sayniska oo ka jawaabaysa baahiya ka jira deegaankaasi ayaa waxay agaasimaha iyo saraakiisha ka socotay wasaaradu ugu baxeen sidii ay warbixino uga soo dhegeysan lahaayeen masuuliyiinta degmada fara-weyne, waayeelka, waxgaradka iyo macalimiinta ku sugan deegaankaasi, waxaanu agaasimuhu mid mid uga dhegaystay baahiyaadka kala duwan ee uu dugsigaasi qabo kuwaasi oo ay ugu waaweynaayeen; kordhin lagu sameeyo dhismaha dugsigaasi iyo in laga hirgaliyo nidaamka quudinta ardayda (feeding), maadaama oo ay ardaydu dugsiga uga yimaadaan deegaano aad uga fog halka uu dugsigu ku yaalo.
Agaasimaha guud ee W/Waxbarashadda & Sayniska Haldoor Axmed Abokor Maxamed oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu dadweynaha deegaankaasi ugu bushaareeyey in ay baahiyaha dugsiga sida ugu dhakhsaha badan uga jawaabayaan, isaga oo arrimhaa ka hadlayana waxa uu yidhi “aad iyo aad ayaan runtii ugu faraxsanahay in aan maanta halkan idiinku imaado si aan indhahayga ugu arko baahiyaadka kala duwan ee dugsigu qabo. Guud ahaan tirada dugsiyada H/Dhexe ee dalku waa 1200 kuwaasi oo dhammaantood baahiyo kala duwan qaba, taasina waxay ku tusaysaa baaxada hawlaha balaadhan ee ay wasaaradu ku hawlan tahay.
Wasaarad ahaan sannad walba waxa la dejiyaa qorshayaal wax qabad kaasi oo loo soo kala horaysiiyo haddba sida ay u kala mudan yihiin baylahda ka jirta dugsiyadaasi. Iyada oo ay jiraan dhammaan hawlahaa aynu soo sheegnay haddana waxa nagu waajiba in aan marwalba ka jawaabno wixii baahiyo ka jirta dugsiyada. Waxa jira waxyaabo aan loo dulqaadanayn oo aan lagu xidhayn qorshaha kuma jirto, sidaa darteed waxan wasaarad ahaan ku daraynaa dugsigan laba fasal kuwaasi oo aan bilaabi doono dhismahoodo sannad dugsiyeedkan aynu ku jirno, ardaydu halkan ugu dhammaystaan ilaa fasalka 8-aad. Waxa kale oo aan dugsigan ka bilaabaynaa barnaamijka quudinta ardayda, dib u dhicimayso in arday gaajoonayaa ka rawaxo dugsigan, waxaanu halkan arday waliba ka noqon doonaa isaga oo dheregsan. Dhanka kale waxan halkan ka balanqaadayaa in aan gunayno macalimiinta dugsigan ka hawlgasha. Waxa kale oo iyaduna muhiim ah marka laga jawaabo baahiyaadkii ka jiray dugsiga in awooda la wada saaro Dhaka tayada waxbarashadda taasi oo u baahan in bulshada iyo wasaaraduba ka wada shaqayso.
Bisha kowaad ee sannadka 2019-ka waxa la furi doonaa machadkii tababarka macalimiinta qaranka kaasi oo wax badan ka tari doona kor u qaadka heerka aqooneed ee macalinka, waxaanu ka mid yahay talaabooyin dhowr ah oo aan ku tayeynayno guud ahaan waxbarashadda dalka.
Guntii iyo gunaanadkii waxan u mahadnqayaa ururka mutadawaciinta ah ee gabaad kuwaasi oo muujiyey dedaal iyo waddaniyad, waxanse u soo jeedinayaa ururka in aan ka wada socono hawlaha ay qabanayaan si aan iskula jaanqaadno. Waxa kale oo aan waalidiinta iyo waxgaradka deegaankan u soo jeedinayaa in ay iyaguna dhankooda ka qaybqaataan waxtarka waxbarashadda taasi baan ku gaadhi karnaa guul la taaban karo oo dhanka waxbarashadda ah”.
Sidoo kale waxa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay agaasimaha ka hor masuuliyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha waxbarashadda ee gobolka M/Jeex Galbeed Md Xuseen Ibraahim Xasan, Xildhibaan Axmed Daahir, Gudoomiyaha Degmada Faraweyne Md Maxamed Abiib Siikaawi, Maamulaha dugsiga Gadhyogol Md Fu’aad C/raxmaan Axmed, Cuqaal iyo waxgaradka deegaanka degmada faraweyne kuwaas oo dhammaantood ka xog-waramay baahiyaha kala duwan ee dugsigu qabo.
Ugu danbayn agaasimaha iyo weftiga wehelinayey waxay dhagax-dhigeen dhismaha labada fasal ee dugsigaasi lagu kordhin doono kuwaasi oo wax badan ka tari doona cidhiidhigii ka jiray dugsigaasi.