Sallaxlay – Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Cabdiqani Yuusuf Galaydh, ayaa kormeer shaqo ku tagay Degmada Sallaxley ee gobolka Maroodi-jeex.
Agaasimaha waxa kormeerka ku wehelinayey Mr. Mukhtaar oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda SOYDAVO.
Ujeeddada socdaalka Agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda Beeraha, ayaa ahayd inay kormeeraan Mashruuc horumarinta Beeraha ah oo Hay’addu ka fulisay deegaanka Sallaxley, maaddaama oo Wasaaraddu ku kormeerto Hay’adaha Mashaariicda ay dalka ka wadaan.
Waxa kale oo uu Agaasime Gallaydh qiimayn ku samaynayey baahiyaha ka jira deegaanka Sallaxley, gaar ahaan dhinaca Beeraha.
Kormeer uu Weftiga Agaasimuhu ku soo mareen dhul-beereedka Sallaxley ka dib, waxay kulan la qaateen Madaxa Wasaaradda Beeraha ee degmada Sallaxley Aadan Cabdiraxmaan, Maamulka degmada iyo Xildhibaano.