Agaasimaha Wasaaradda Duulista oo beeniyey eedaymo xildhibaan Dheeg u soo jeediyey Maddaarka Cigaal

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan ayaa maanta beeniyey eedaymo uu u soo jeediyey xildhibaan Dheeg madaarka Cigaal, kaaso oo uu sheegay in la musuqmaasuqay mashruuca dib u dhiska madaarka Cigaal.

Agaasime Cumar Sayid ayaa ugu horayn faahfahain ka bixiyey mashruuca ay maal galisay dawaladda Kuwayt ee dib u dhiska madaarada oo Xildhibaan dheeg uu sheegay in la musuqmaasuqay, waxaanu yidhi:

“Sida ay la socdaan dadwaynaha Somaliland waxay dawladda Kuwayt ugu deeqday Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka lacag dhan $ 10 million oo loo kala qaybiyay labada madaar ee Hargeysa iyo Berbera, Labadaas mashruuc oo mid walba si guul ah ku dhamaaday, dadwaynuhu ka dharagsan yihiin, isla markaana ay maamulayeen oo kormeerayeen khubaro ay dawladda Kuwayt u soo dirsatay. Ka dib guushaas laga gaadhay labadaas mashruuc ee hore, ee Kuwayt waxa ay wasaaradda ugu deeqday lacag dhan $ 5 milyan oo kale o lagu dhamaystirayo madaarka Cigaal, kaasi dhabada diyaaradaha oo laga dhigay 3.7 kiilo mitir oo maanta diyaarad walba oo adduunka jirta ka kici karto kana dagi karto iyada oo culayskeeda shiidaal iyo rakaabkuba u dhamaystiran yihiin.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

Horumarka ay keentay deeqdaas dawladda Kuwayt waxay ka muuqataa imaanshaha diyaarad laga leeyahay imaaraadka ee Fly dubai oo taariikhda markii koowaad timid Somaliland, iyo bilicda wanaagsan ee madaarka caasimada ee ay ka markhaati kaceen dhamaan ummadda Somaliland haday tahay qurbajoog, ganacsato, siyaasiyiiin, mucaarid iyo muxaafidba.”

Agaasimaha Duulistu waxa uu intaas ku daray:

“Dawladda Kuwayt marnaba lacag umay qoondayn dhulka loo xayndaabay madaarka Cigaal waayo dunidda oo dhan dhulalka dawalaha ayaa leh, xukuumadda Somaliland ayaa laga rabay inay dhulkaas maaro u hesho, arrintaasna way samaysay. Waxaan xildhibaanka waydiinaynaa sababta ay dawlada Kuwayt 5 milyan oo kale ugu deeqday Wasaarada hadaan 10 kii hore si fiican loo maamulin ?.”

Agaasimuhu sidoo kale isaga oo ka hadlaaya, arrinta xadaynta madaarka, oo Dheeg uu sheegay in dawalddu ay dad danyar ah Xoog dhul ugaga qaaday waxaanu yidhi:

“Marka hore waxaan si mug leh mar labaad ugu mahad naqaynaa dadwaynihii reer Somaliland ee dhulkoodii ay lahaayeen iyadoon la qasbin si muwaadinmo ah ugu deeqay in madaarkooda lagu gaadhsiiyo heerka madaarada kale ee dunida. Iyada oo arrintaasna amaan badan lagu siiyay dadka deegaanka haday tahay Salaadin, Cuqaal, Waxgarad iyo dhamaan qaybaha bulshada ee deegaanka Koonfurta Hargeysa. Dadka degaanku waxay Wasaarada kula heshiiyeeen in dhulka madaarku u baahan yahay ay bixinayaan, isla markaana loo celiyo wixii hanti ma guurto ah ay ka samaysteen sida barkadaha, baliyada, beeraha iyo guryaha. Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Beeraha ayaa qiimeeyey hantidii loo celinayey dadkaas, iyada oo lacagtaas dadkii lahaa la siiyay markhaatina ay ka yihiin dadkii lacagta la siiyay iyo Cuqaashoodiba oo aad halkan ku arki kartaan heshiishyadii ay ku qaateen magdhawgoodii.”

Cumar-sayid Cabdilaahi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray:

“Xaga dhulka dadkaas waxa lagala wareegay dhul dhan 150 block oo dhul ah oo Wasaaraddu liis garaysay, liiskoodiina dawladda hoose ee caasimada ayaa gacanta ku haysa, sida ugu dhakhsaha badan ayaa loogu celin doonaa Insha alaahu , waxaannu ku amaanaynaa dadka deegaanka sida sharafta leh ee ay noogu samrayaan noona sugayaan.”

Agaasimuhu mar uu ka hadlaayey, Waaxaha madaarka, waxa uu yidhi:

“Waxaan Xildhibaanka moodayay in uu xogogaal u yahay qaybaha kala duwan ee madaarka ee u kala baxdo.Wasaarada Duulistu ma soo magacawdo Taliyaha Laanta Socdaalka, Taliyaha Booliska, Maamulaha Kastamka iyo Maamulaha Laanta Bankigaba ee madaarka, Afartaas hay’adood ayaa ka masuul ah ciday madaarka keensanayaan iyada oo loo eegayo hadba aqoontiisa iyo kartidiisa laakin aan lagu salaynayn qaab beeleed. Manay fiicnayeyn in xildhibaanku ciidamada qaranka uu sumad reer u kala yeelo oo maanta Saraakiishii Booliskeena ee ummadda ayey u shaqaynayay shaadh reereed u galiyo. Haduu xildhibaanka doonayo in war laga siiyo waaxaha Wasaarada Duulista ee ka hawl gala madaarka Cigaal, waxaan u sheegayaa in si cadaaalad ah oo gobolada Somaliland oo dhan ka muuqdaan loo qaybiyey iyada oo dadka degaanka koonfurta Hargeysana markii koowaad taariikhda saami fiican laga siiyey Saraakiisha Wasaarada Duulista ee ka hawl gala madaarka oo ay maanta qayb fiican oo muuqata ku leeyihiin.”

Agaasime Cumar Sayid isaga oo ka hadlaya, shaqaalaha madaarka,waxa uu yidhi:

Warka xildhibaanku ku sheegay in shaqaalaha Madaarka 110 qof, ay ka soo jeedaan beesha Madaxweynaha waa war aan sal iyo raad toona lahayn, dee nin wayn been baad sheegaysaa ku odhan kari mayne waxaan leenahay malaha xildhibaanku wuu is moodsiiyay.”

Ugu danbayntii waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirku ka hadlay in saxaafadda iyo cidkasta oo arrintaas baadhis ku samaynaysa ay u furan tahay wasaaraddu, waxaa yidhi:

“Saxaafadda madaxa banaan iyo cid walba oo arrintaas doonaysa inay ka qanacdo way u furan tahay inay baadhis madax banaan ku samayso, shaqaalaha Wasaaradda Duulista, iyo Ha’yadaha kale ee ka hawlgala madaarka Caasimadu waa Shaqaale isku dhafan oo gobol walba ka yimid, dadka deegaanka koonfurta hargeisana saamigii ugu fiicnaa taariikhda intii Somaliland jirtay ayay maanta leeyihiin”

bandhige@gmail.com