Obama ayaa ka qayb galay xuska 10-guurada duufaantii Katrina

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ka qayb galay xuska sannad-guurada tobnaad ee ka soo wareegtay dufaantii Katrina oo ku dhufatay isla markaana xaaqday magaalada New Orleans 2005-tii.

Madaxweyne Obama ayaa ku ammaanay dadka New Orleans in ay muujiyeen dhabar adeyg iyo dulqaad ay kaga soo kabteen masiibadii ku dhacday sannadkii 2005tii taasi oo si wey uga soo kabteen dhibaatadaasi.

Duufaantaas oo lagu magacaabay Katarina ayaa waxa ku dhintay ku-dhawaad laba kun oo qof, in ka badan hal milyanna oo qofna wey ku guryo beeleen.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah shacabka Mareykanka ay nolol maalmeedka la xarbinayaan, iyadoo weliba dhaqaalaha dalku uu soo kabanayo.

Obama ayaa wuxuu ka codsaday Congresska inay ansixiyaan miisaaniyadda dowladda, si looga baaqasado in hawlaha dowladdu ay istaagaan markii labaad muddo laba sannadood gudahooda ah, oo taasina ay dhaawac u gaysanayso horumarka uu ku socdo dhaqaalaha Mareykanku.

Madaxweyne Obama ayaa waxa baryahan danbe uu la kulmayey mucaaridad ballaadhan oo kaga imanaysa dhinaca mucaaridka oo dhaliilsan maamulkiisa.

bandhige@gmail.com