500 oo maalmood ayaa ka soo wareegay markii Booko Xaaraam afduubtay gabdhaha, welina warkooda lama hayo

Eheleda 219 hablood oo ay Booko Xaaraam afduubtay 500 oo maalmood ka hor ayaa maanta mudaharaad ku dhigay Nayjeeriya iyagoo dalbanayey in xukuumadda Nayjeeriya ay samayso dedaal kasta oo ay ugu soo celinayso gabdhahoodii laga afduubay.

Booko Xaaraam oo sheegtay in ay ka soo horjeedaan waxbarashada gabdhaha iyo guud ahaanba wax barashada salka ku haysa reer-galbeedka ayaa sheegay in gabdhihii ay afduubeen dhammaantood qaateen diinta Islaamka sidaas daraadeedna la wada guursaday.

Hablaha ay Booko Xaaraam afduubeen waxa ay ahaayeen 276, waxa ka baxsaday 57 hase haatee war lagama hayo meel ay ku dambeeyeen 219-kii hablood ee kale.

Waalidiinta gabdhahan dhalay ayaa saluug ka muujiyey jawaabta ay dawladda Nayjeeriya ka bixisay dhibaatadan.

“Haddii ay carruurtoodii ahaan lahaayeen, mar hore ayay u gurman lahaayeen. Laakiin dan kama laha carruurta ay dhalleen dadka sabooka ahi” ayay tidhi Esther Yakubu oo ka mid ah hooyooyinka gabdhaha la afduubay.

Afduubka gabdhahan ayaa soo jiitay indhaha dunida oo dhan, waxayna keentay in Nayjeeriya iyo dalalka ay jaarka yihiin sida Kamaruun, Jaad, Nayjar iyo Beeniin ay isku daraan ciidamo 8700 oo askari ah kuwaas oo loogu talo galay in ay cagta mariyaan Booko Xaaraam.

Afduubka gabdhahan waxa sidoo kale sii-dayntooda olole ka galay shakhsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin marwada koowaad ee Maraykanka Michelle Obama iyo Angelina Jolie oo ah jilaa caan ah.

Bandhige@gmail.com