Amiirka Muslimiinta Nayjeeriya wuxu xidhiidhiyey guurka badan iyo argagixisada

 

Wadaad caan ka ah dalka Nayjeeriya oo taageerayaal badanna leh oo lagu magacaabo Emir Lamido Sanusi II, ayaa xidhiidh ka dhaxaysiiyey guurka xaasaska badan iyo argagaxisada.

Wuxuu sheegay in imaaradiisa ay culimada Islaamka kala shaqeyneyso sidii loo eegi lahaa dhibaatooyiinka la xidhiidha guurka.

Wuxuu qiray in uu jaamacadda sida weyn loo xushmeeyo ee Bayero uu ka doonayo in ay sameyso qoraal ku saabsan dhibaatada haysata Muslimiinta Waqooyiga Nayjeeriya iyo arrimaha guurka, xidhiidhka ay leeyihiin.

Lamido Sanusi ayaa doonaya in la mamnuuco guurka qasabka ah iyo guursashada xaasaska badan.

Wuxuu sheegay in la eegayo sida aabuhu uu u bixin karo dhaqaalaha reerka iyo awooddiisa ah in uu ka war-hayo caafimaadka xaasaskiisa.

Sharciga uu doonayo in la sameeyo waxa sidoo kale soo gali doono furriinka, dhaxalka iyo korriinka carruurta.

Emir Sanusi wuxu tilmaamay in uu ku kalsoon yahay in xeerka cusub aanu qilaafeyn diinta Islaamka iyo waxa ay ka qabto arrimaha guurka la xidhiidha, sida dhibaatada qoyska.

Sanusi ayaa hadalkiisa ku daray in sharciga uu qeexidoono heerka uu ninka ku guursan karo xaaska labaad iyo ta saddexaad iyo afaraadba.

Emir Lamido Sanusi, wuxu sheegay in rag badan oo aanan awoodin in ay hal xaas biiliyaan, ay guursadaan xaasas badan, 20 carruur ahna ay dhallaan, isagoo Amiirku arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Carruurta waxay noqdaan waxbarasho la’aan, jidadka ayaa looga tagaa, waxayna u koraaan sida budhcad iyo argagixiso.”

Sheekh Sanusi ayaa ahaan jiray madixii bangiga dhexe ee dalka Nayjeeriya, sannadkii 2015kii ayaa laga dhigay amiirka Muslimiinta Nayjeeriya.

Qoraalka xeerka cusub ayaa la filayaa in si degdeg ah uu diyaar ku noqdo, ka dibna loo gudbiyo dawladda gobolka Kano, si ay u ansixiso.

Haddii uu dhaqan galo wuxu noqonayaa xeerkii ugu horeeyay ee noocan ah ee laga aasaaso Waqooyiga Nayjeeriya oo Muslimiinta ay ku badan yihiin.

bandhige@gmail.com