Ardayda kuliyada Civil Engineeringka ee jaamacada Hargeysa ayaa tababar ku saabsan hubinta tayada dhismaha wadooyinka ku qaatay laboratoryga hay’ada horumarinta wadooyinka RDA.

Tababarka ayaa ay ardaydu ku qaateen sida loo hubiyo tayada ciida, jayga/garriga (aggregates), daamurka iyo shubka loo isticmaalo dhismaha waddooyinka.

Tababarka oo socday muddo laba cisho ah waxa ardayda siinayay barahooda Eng. Libaan Cali Nuur iyo Engineerada waaxda laboratory-ga hay’adda waddooyinka.


Bandhige@gmail.com