Bandhiggii 8aad ee Caalamiga ahaa ee Buugaagta Hargeysa ayaa la soo gabogabeeyay

Bandhiggii Carwadda Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa ayaa habeen hore lagu soo gabogabeeyay Hudheelka Guuleed oo ay ka socotay muddo lix maalmood ah.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannad walba ay soo qaban-qaabiso xarunta dhaqanka ee Redsea oo fadhigeedu yahay Hargeysa, ayaa waxa munaasibaddii lagu soo gabogabeeyay ka qayb-galay boqollaal qof oo iskugu jira suugaanyahanno, qoreyaal (Soomaali/Ajaanib ah), wasiirro iyo marti-sharaf kale oo ka kala socotay hay’adaha ka shaqeeya horumarinta dhaqanka iyo qoraalka.

Bilowgii xafladdan gunaanadka ahayd ayaa waxa lagu soo bandhigay majaajilo ka turjumaysay maamul-wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo suugaan kala gedisan oo lagu hoga-tusaalaynayay bulshada Soomaalida, gaar ahaan dhallinayarada.

Jaamac Muuse Jaamac oo ah madaxa xarunta Redsea ee soo qaban-qaabisay bandhiggan oo ahaa kii 8-aad ee lagu qabto Hargeysa, ayaa majaajillada halkaasi lagu soo bandhigay ka dib waxa ka hadlay xafladda soona afmeerayey munaasibadda Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirku wuxu u mahadceliyey xubnaha ka socday dalalka shisheeye ee goobjoogga ka ahaa xafladdaasi,waxaanu yidhi:

“Waxaan u mahad-celinayaa dadka faraha badan ee inooga yimid beesha caalamka ee martida inoo ah ee magaceenii kor u qaaday ee qaddiyaddeena iyo arrinteena gaynaya dibadda ee safiirrada inoo ah.”

Wasiir Biixi oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaan Ilaaahay inooga baryayaa in ictiraafkeenii inoo yimaado, waayo kama seexano habeen iyo maalin toona waanu u heegan nahay, meel kastana waanu ugu duulaynaa waxaanan ku dedaalaynaa in aan aqoonsigeenii sida ugu dhakhsaha badan uga shaqayno, waayo waanu leenahay wixii looga baahnaa dal, hadday noqoto xuduud mucayin ah iyo maamulkeeda, heshiisyo ayaynu la galnaa caalamka, waana in aynu meel uga soo wada jeedsano horumarkeena, nabaddeenana aan ilaashano.”

Maxamed Biixi Yoonis oo dhowaan raacay wefti uu hoggaaminayey Madaxweyne Siilaanyo oo Gobolada Bariga safar kormeera ku tegay wuxu ka hadlay sida bulshadu waxa u wada qabsan karto waxaanu yidhi:

“Anigu safarkii Madaxwaynaha aan raacay aad baan ugu farxay jidadka la sameeyay waxaanu tagnay Ceerigaabo, Laascaanood, Ceel-afwayn iyo deegaanno kale, waxaanan ku faraxsanahay horumarka aynu samaynay iyadoo aanay cidina waxba inala qaban ee aynu dalkeenan ka shaqaynay.”

Wasiirka ayaa gabagabadii wuxu dardaaran u jeediyay dhallintii madasha fadhiday waxaan hadalkiisa ka mid ahaa:

Dhallinyaro haddaad tihiin idinkaa mustaqbalkii waddanka ah, idinkaa xukunkan qaban doona, idinkaa madaxda dalka noqon doona, waxaanan jecelahay inaydaan waddada hor-u-marka ka baydhin ee aad dalkiina iyo dadkiinaba wax tartaan.”

Carwadda Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ayaa waxa sannad kasta lagu qabtaa Hargeysa, waxaana lagu soo bandhigaa boqollaal buug, kuwaasi oo dadka ku xidhani ay carwaddu u soo doontaan sannad kasta, maadaama oo sannad kasta buugta halkaasi lagu soo bandhigaa yihiin kuwo cusub oo qaarkood ifka u soo baxaan marka carwadda la qabanayo.

Dhanka kale, Bandhiggii 8aad ee Caalamiga ahaa ee Buugaagta Hargeysa waxa sannadkan ku cusbaa Barnaamijka Dumarka Adduunka ee la yidhaa “Women of World (WOW) oo ay aasaasay gabadh  la yidhaa Jude Kelly oo u ololaysa in raggu is guursan karaan dumarkuna is guursan karaan, taas oo markii ay warbaahinta qaarkeed baahisay soo jiidatay dhalliilo door ah oo wadaaddadu ay ka jeediyeen masaajiddada Hargeysa salaaddii Jimcaha ee shalay.

bandhige@gmail.com

xidhitaanka carwadda aa

11828633_841839045913030_6619481826680300104_n

IMG_8873

bandhige@gmail.com