Biljamka oo weerar ku qaaday guryo lagu tuhmay argagixiso

Ciidamo ka tirsan booliska Biljam ayaa weerar ku ekeeyey guryo ku yaalla magaalo-madaxda dalkaas ee Brussels kuwaas oo lagu tuhunsanaa in ay ku dhuumanayaan kooxo looga shakiyey argagixisnimo oo xidhiidh la lahaa kuwii Faransiiska weeraray.

Halwlgalkan xukuumadda Biljamka ayaa ku soo beegmaya goor uu ra’iisal-wasaaraha Faransiisku ku dhawaaqay suurto-galnimada weeraro kimiko ah oo kooxda ISIS qorshaynayso in ay ka gaysato goobo Yurub ku yaal, gaar ahaana Faransiiska.

Weerarradii Jimcihii lala beegsaday Faransiiska waxa ku naf waayey 129 qof, haatana waxa laga baqayaa in ay dhacaan weerarro intii hore ka khasaare badan haddii aan laga hor tagin.

Shakigan soo kordhay dartiis ayaa ra’iisal-wasaaraha Faransiisku codsaday in muddo-dii dalkaas lagu soo ragay xaaladda degdegga ah laga dhigo 3 bilood si wakhtigaas kooxda looga sifeeyo meelaha ay ku kala dhuumanayaan.

Qofkii ugu dambeeyey ee looga shakisnaa weerraradii Biljamka ayaa hadda lagu soo warramayaa in uu is dilay iyada oo lagu hareeraysan yahay. Hase ahaatee kooxii isaga ka shidaal-qaadanayey ayaa qaarkood la la’yahay.

Bandhige@gmail.com