Warbixin daaha ka rogtay in ay Boko Xaraam ugu horeyso weeraradda isqarxinta

Kooxda Boko Xaraam ayaa noqotay kooxda ugu dilka badan dunnida sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda ee fadhigiisu yahay New York.

Warbxinta ayaa sheegay in ka kooxda Boko Xaraam ka horeeyaan kooxaha ay gacan saarka leeyihiin ee Daacish oo ay dhawaan ku biireen.

Sida lagu sheegay warbixinta ayaa waxay boqolkiiba soddon ay kordheen labaddii sanno ee u dambeeyey dilalka ay gaystaan kooxda Boko Xaraam.

Warbixintan uu soo saaray machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda ayaa waxay sheegtay in labaddii sanno ee u dambeey ay weeraradda ka dhacay dalalka Nayjeeriya, Ciraaq, Afqaanistaan, Baakistaan iyo Suuriya ay laba jibaarmee.

Warbixintan ayaa sheegtay in kooxda Daacish iyo ururadda kale la midka ahi ay fuliyeen weeraradda argagaxisa eek a dhaca dunidda daafaheeda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in meelaha ugu daran ee weeraradda argagaxisaddu ku badan ay yihiin dalalka Ciraaq iyo Nayjeeriya.

Waxbixinta ayaa daaha ka rogtay halista kooxaha Boko Xaraam oo la midowday kooxda Daacish iyo Daacish lafteed oo haatan weeraro ba’an ka fulisay waddanka Farankiisa ee xaalada degdeg ah ku jira, isagoo wali doonaya in dalku ku jiro xaalad degdeg muddo saddex bilood ah inkasta oo aan wali la isku wada raacin.

bandhige@gmail.com