Axmed Xasan Cawke (AHUN) wuu fara badnaa. kee ayaad taqaan? (W.Q: Maxamed Cali Bile)

Sannadihii bilowgii todobaatanaadkii waxa uu la shaqeyn jirey weriyihii weynaa ee Weli Xaaji Cali oo markaa aad caan ugu ahaa tebinta ciyaaraha. Cawke markuu muddo yar wadey tebinta ciyaaraha waxa uu noqdey weriyaha loogu jecelyahay tebinta ciyaaraha.

Wakhtiyadii hore, warbaahinta keli ah ee dalka ka jirtaa waxa ay aheyd labada raadiyow Hargeysa iyo Muqdisho. Labadaa idaacadood ayaa dadka madadaalin jirey warkana laga dhageysan jirey. Sidoo kale Heesaha cusub ee soo baxa waxa laga dhageysan jirey labadaa idaacadood. Gaar ahaan waxa jirey barnaamij la odhan jirey “I Maqashii, I Madadaali” oo soo geli jirey qiyaastoo 5-ta galabnimo maalin kasta.

Barnaamijkaa waxa caan ka dhigay Alle ha u naxariistee Cawke, Cabdalla Nuuradiin iyo Xakiimo Caalin. Waxay aheyd badhtamihii todobaatanaadkii oo markaa ay socdeen riwaayado aad dalka looga jeclaa oo heeso fiican lahaa oo ay ka mid ahaayeen “Dab Jaceyl kari Waa“Jini iyo Jaceyl” “Habloyohow hadmaan Guursan Doontaan”.

Riwaayadahaasi waxa ay lahaayeen heeso aad u fiican oo dadku waxa ay sugi jireen barnaamijkaasi si ay u maqlaan qaar ka mida heesahaa iyo kuwa kale ee dadku xiiseeyaan. Heesaha ka sakow, waxa barnaamijkaa xiiso badan u sii yeeley, hadalada dhex taalka ah ee saddexda weriye ay ku dari jireen. Idaacadaha berigaa waxa looga bartay hadalo toosan oo aan kaftan ku jirin. Balse Cawke iyo Nuuradiin waxa ay ku soo kordhiyeen, kaftan iyo suugaan ay ku ladhaan dalaabaadka. Xakiima Caalin oo la daadihin jirtey barnaamijka, iyana wey la qabsatey oo waxa ay odhan jirtey “Cawke iyo Nuuradiinow, Culimadii jaceylkaay” bal soo daaya waxa ad maanta heysaan.

Markii uu sida weyn u caan baxay Alle Ha U Naxariistee Cawke, waxa ay aheyd dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex marey 1977-kii iyo 1978-kii. Waxa uu markaa ahaa weriye sheega warka. Waxa ay aheyd xilli Soomaalidu aad u qiireysneyd oo ay dagaal ku jirtey. Cawke oo lahaa cod aad u reen badan, af-soomaaligana aad ugu fiicnaa, kalsooni badana ka muuqato ayaa marka uu warka sheegayo lagu soo ururi jirey makhaayadaha raadiyayaashu yaalaan.

Ka sakow xaqiiqda warka ee uu sheegayo, waxa dadku raali ka noqon jireen sida waafiga ah ee kalsoonidu ku jirto ee uu warka u tebin jirey. Warka Cawke waxa uu qeyb weyn ka ahaa dagaalka oo waxa uu u dhigmayey ciidanka dagaalamaya. Warka waxa uu raacin jirey hal-ku-dhegyo uu sameystey oo ay ka mid ahaayeen:

Taliska Nafla Caariga ah.”

“Taliska Tiisii Dhamaatay.”

 “Taliska Maata Dooxa ah.”

Wararka sidoodaba waxa soo diyaariya tafaftire. Balse hadana maalinta weriye kale loo dhiibo warku macno muu yeelan jirin oo dadku waxa ay kaga kalsoonaayeen marku Cawke sheegayo oo codkiisa iyo hadalkiisa ayaa u dhigmaayey in la guuleystey. Cawke Alle Ha U Naxariistee, Abwaan Cabdi Bashiir Indho-buur waxa ay dagaalkaa kaga soo qeyb-qaatey codkooda iyo suugaantooda.

Badhtamahii sideetamaadkii oo ay aheyd xilliyaddii uu soo baxay Telifishankii Soomaaliya, Cawke waxa uu noqdey weriya aragiisa lawada barto oo dalka oo dhan caan ka noqdey. Waxa barnaamijyadiisa lagu xusuustaa kaftan iyo hadalo si furfuran oo niyadsami ku jirto.

Ka sakow shaqada idaacadda iyo telefishanka, waxa uu Cawke ku caan ahaa bulshada dhexdeeda oo aad loo xiiseyn jirey la joogistiisa iyo wehilkiisa. Xiliyadaa badhtamihii sideetamaadkii waxa soo baxday cajalad aheyd gabayadii silsiladdii “Guba” oo ay wada duubeen Cawke iyo nin la odhan jirey Lamumbe oo taariikhyahan ahaa. Lamumbe waxa uu ahaa ninka gabayadda marinaya, Cawkane wuxu ahaa ninka wareysanayaa ee la macaaneynaya sheekada. Waxa ay noqotey cajalad dalka iyo dibecdaba meel kasta lagu dhageysto oo soo koobtay taariikh sannado badan soo socotey.

Inkasta oo an anigu aqaaney, haddana, sannadadii u danbeeyey ee burburkii ka hor ayaan shakhsiyan is baraney AHUN, Cawke oo xiligaa uu degenaa xaafad Xamar ku taala oo la odhan jirey “Xamar Bila” dadka qaarna u yaqaaneen If iyo Aaakhiro. Muddo yar ka bacdina waxaaban noqoney isku xaafad oo hal dhisme ayaanu wada degeneyn isaga iyo reerkiisaba xaafad la odhan jirey “African Village”. Waxa guursadey oo ay reer wada sameysteen weriyadii weyneyd ee caanka aheyd Sacdiya Candilaahi Salad.

Markii danbe waxa uu Cawke noqdey weriyaha Madaxweyne Siyaad Barre (AHUN) oo uu shaqadaa hayey ilaa intii ay dawladdu burbureysey. Cawke weligii mucaarid muu noqon oo lama maqal isaga oo dawlad uu la shaqeeyey wax ka sheegaya. Hadana waxa uu ahaa shakhsi ay mucaaridka laftoodu jecelyihiin. Wixii intaa ka danbeeyey waxa uu soo marey guud ahaan dhammaan warbaahinta caanka ah ee Soomaalidu dhageysato ee ay ka midyihiin BBC-da, VoA-da, telefishanadda Universal, Horn Cable, iyo ka Qaranka Somaliland.

Maxaa lagu xasuusan karaa Cawke Alle ha U Naxariistee:

  1. Alla Ha U naxariistee Cawke waxa uu ahaa qof ummadda afka Soomaaliga ku hadasha oo dhammi ay jecleyd oo ay u sineyd. Xiliyadan danbe ee Soomaalidu kala yaacdey, dadka waxa lagu amaaradeystaa qabiil iyo gobolo. Balse Cawke waxa lagu amaaradeystaa in uu ka taagnaa Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogto. Qofka jooga Jabuuti iyo ka Burco jooga iyo ka Cadaado jooga iyo ka Muqdisho jooga iyo ka Jig jiga joogaa mid kastaa waxa uu u heystey in uu Cawke xaafadooda ama reerkooda yahay. Cawke Sida Hargeysa iyo Wajaale looga jecel yahay si ka badan ayaa Muqdisho iyo Jawhar looga jecel yahay. Cawke uumuu baahneyn qabiil gaar ah, balse isaga ayaa qabiil ahaa keligii oo lagu biiri jirey. Meeshii Soomaali joogto ee uu tago isaga iskugu mid ayey aheyd oo bulsho ayuu ka dhex sameysan jirey oo isagaa lagu biiri jirey.

 

  1. Dadku waxa ay shaqooyinka u galaan manaafacaad, lacag iyo mushahar, balse Cawke shaqada weriyenimadu waxa ay kaga jirtey dhiiga oo marna ugumuu jirin hunguri iyo xoolo ku yeelo. Waxaan qabaa in uu weli weriye uun ahaan lahaa xataa haddaan mushahar la siin. Noloshiisu waxa ay markasta qeyb ka aheyd halkii bulsho joogto.

 

  1. Waxa uu karti u lahaa in aan laga xiiso dhicin oo uu jiil kasta la heysto halka ay wax marayaan. Waxa uu wakhti la soo qaatay oo uu isku dhereriyey weriyayaashii waa weynaa ee caanka ahaa sida Yaasiin Xaaji Ismaaciil (AHUN) iyo Cabdi Xaaji Gobdoon. Waxa uu soo wareystey Abwaaniintii gobanimo doonka sida Cabdilaahi Qarshe iyo Xuseen Aw Faarax. Waxa uu soo wareystey fanaaniintii waa weyneyd sida Maxamed Saleebaan (AHUN) iyo Kuluc (AHUN). Waxa uu weriyenimadiisa halkii u sareysey ka gaadhey 40 sannadood ka hor isagoo da’diisu labaatanka uun in yar kor u dhaaftey. Sidaas oo ay tahay, waxa uu ilaa maanta la heystey halka ay wax marayaan 2015 ka. Marka aad dhageysato wareysiga uu la yeeshey fanaanada Seynab Cige iyo sheekooyinkii dhowr iyo afartan sannadood ka hor, waxa aad moodaa iney meel kuwada noolaayeen oo ay isku jiil ahaayeen. Hadana marka aad dhageysato wareysiyada uu la yeeshey Farxiyo Fiska, Ikraan Caraale iyo Fu’aad Cumar Yare, waxa aad moodaa in uu yahay jiilkii dhashay sagaashamaadkii sida uu ula heysto sheekada. Cawke waxa uu karti u lahaa in uu 4 jiil oo Soomaali oo laga soo bilaabo 1973 ilaa 2015 uu la fal galo oo uu mid walba waayihiisa iyo xamaasadiisa yeesho.
  1. Markii dalku burburey, dadka Soomaalida ah niyad jab badan ayaa ku dhacay, waayo warka keliya ee ay dalkooda ka maqlaan waxa uu ahaa dhimasho, abaar iyo dagaalo. Barnaamijyada Cawke waxa ay dad badan oo Soomaalida ah u ahaayeen niyad dhisid oo waxa ay codkiisa iyo hadalkiisa ku xusuusan jireen wakhti hore iyo beri samaad la soo marey. Barnaamijka uu Cawke sheegayo qiimiyiisu uu libinlaabmi jirey oo shakhsiyadiisa iyo codkiisa iyo aftanimadiisa ayaa barnaamijka u yeeli jirtey qiime ka badan kuu barnaamijku leeyahay.

Ehlu Janno ayuu ahaa Axmed Xasan Cawke, waayo waxa Raali Ka Noqdey dad 10 malyuun kor u dhaafay oo ummad Muslim ah oo Ilaahey ducadooda ka aqbalayo.

Ilaahey Ha U naxariisto Axmed Xasan Cawke, Inagana ha Inooga daba naxariisto. Aamiin

 

Maxamed Cali Bile

Ardaagabile@gmail.com