Faahfaahinta doonyo siday 500 oo tahriibeyaal ah oo quustay, dhimashada oo sii kordhaysa

Ilaa xalay maraakiibta Midowga Yurub ee ka hawlgala badda Midhitareeniyaanku waxay ku mashquulsanaayeen mashaqo ka dhalatay labad doonyood oo ay midi sidday 100 qof ta kalena sidday 400 oo qof oo quusay.

Kooxaha gurmadka ayaa soo badbaadiyey ilaa hadda 198 qof, waxayna badda ka soo saareen maydadka 82 qof sida ay shaacisay Bisha Cas. Ilaa 200 oo qof ayaa hadda la la’yahay raq iyo ruux.

Doomahan quusay waxay ka soo shiraacdeen Zuwara oo ah deegaan-xeebeedka ay ka suudalaan dadka u tahriibaya Talyaaniga, waxayna quuseen muddo markii ay badda ku jireen habeenimadii Khamiista.

Xukuumadda Bangaaladheesh ayaa xaqiijisay in 31 ka mid ah dadka tahriibayey ay dadkeeda ahaayeen. Wali waxa isa soo taraya dalaka ay inta kale u dhinteen iyadoo lagu gudo jiray dedaallada lagu kala xaqiijinayo.

Sida ay Qaramada Midoobay diwaangelisay, sannadkan oo kali ah waxa badda Midhitareeniyaanka ee u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga ku qudh-baxay 2400 qof oo nolol wanaagsan ka raadsanayey Yurub laakiin ajashoodii ka soo hor martay.

300,000 oo qof ayaa sannadkan ka tallaabay badda Midhiteraaniyaanka iyagoo u gudbay Yurub. Tiradani waxay boqolkiiba afartan ka badan tahay tiradii badda ka gudubtay guud ahaan sannadkii 2014-kii.

Masiibada tahriibka ayaa gilgishay Yurub, waxayna keentay in dood kulul ay u bilaabantay madaxda Midowga Yurub taas oo la xidhiidha sidii loo moosi lahaa qulqulka tahriibeyaasha isla markaana inta soo gudubta culayskeeda loo qaybsan lahaa.

Haatan culayska ugu badani wuxu ku dhacaa jarmalka iyo Iswiidhan oo qaata tahriibeyaasha ugu tirada badan kuwaas oo qaxootinimo u aqoonsada marka dambena sharci muwaadinimo siiya.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com