Cali Samatar oo geeriyooday iyadoo aanay gaadhin muddadii loo qabtay in uu ku bixiyo lacagtii lagu xukumay

 

Madaxweyne-Xigeenkii hore ee dawladdii milatariga ahayd ee Soomaaliya ahaana Wasiirkii Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Maraykanka.

Geerida Maxamed Cali Samatar waxay ku soo beegan tahay ka hor intii aanay gaadhin muddaadii loo qabtay in uu ku bixiyo 7 milyan oo Doollar oo lacagta Maraykanka ah kadib markii maxkamadaha Maraykanka darajooyinkooda kala duwani ay ku heleen in uu gaystay dambiyo dagaal iyo ku-xad-gudub xuquuqda aadamaha wakhtigii uu ahaa Madaxweyne-ku-xigeenka Soomaaliya.

Maxamed Cali Samatar oo sida ay u badan tahay aan awoodeen in uu 7 milyan oo Doollar iska bixiyo ayaa haddii aanu geeriyoon wuxuu noloshiisa inta u hadhay ku qaadan lahaa xabsiyada Maraykanka.

Jeneraal Maxamed Cali Samatar waxa lagu xusuustaa in uu ahaa sarkaalkii sheegtay in uu bixiyey amarkii Hargeysa lagu dumiyey June 1988.