Sheekh Aadan Siiro waxa uu ka hadlay xaaladda kala guura iyo musuqmaasuq baahsan oo ka jira Somaliland

Waxaanu halkan idiinku soo lifaaqnay khudbadii Salaadii Jimcaha ee Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), waxa uu kaga hadlay Xaaladda Kala-guurka ah ee Somaliland gashay, waxaanu ku taliyey in loo digtoonaada ilaalinta amniga guud ahaan dalka.

Sidoo kale waxa uu khudbadda kaga hadlay Musuqmaasuqa dalka ka jira iyo dhibaatada Shaqo la’aantu ku hayso Dhallinyarada, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya Xaaladda Kala Guurka ah ee Somaliland gashay wuxuu yidhi:

“Cid kasta oo wax ku xidhan yihiin waxaanu leenahay Dalku Maanta wuxuu u baahan yahay Digtooni badan, Khudbadahanna waxaanu ugu talo-galnay Xaaladda kala guurka ah ee (Dalku galayo) si aanu u baraarujinno Naftayada iyo inta jecel in Dadkan iyo Dalkani Wax noqdaan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu sheegay:

“Qof baa marka uu doonayo inuu Wax noqdo baa’biinaya Deegaankii uu ku noolaa, qof baa marka uu doonayo inuu wax noqdo baa’biinaya Walaalkii oo aragtidu ka gashay, markaa digtooni badan baynu u baahan nahay oo Xaaladaha kala guurka ah, Xagga amniga ayaynu uga baahanahay, Xagga Talo-qaadashada ayaynu uga baahan nahay, waxaynu digtooni uga baahan nahay Xagga guur-guuritaanka iyo Ummadda la rarayo ee la doonayo in wax loo soo kordhiyo in aanay noqon 4 laga gooyey 2, taas oo Macnaheedu yahay inaad Adigu khasaartay 2 iska daa’ waxaad soo kordhisee, markaa waxa habboon inaad taqaanno waxa Maanta habboon ee aan Berri habboonayn, taasina waata uu wax ku eegayo Qofka uu ILLAAHAY Garashada dheer siiyey.”

Dhanka kale Sheekha inta badan ka hadlaya amniga waddanka ayaa waxa uu sheegay in la illaaliyo ammaanka, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

Waxa loo baahan yahay in Waddanka loo digtoonaado oo amnigiisa la ilaaliyo, oo aynu dhammaanteen u soo jeedno.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay wax-soo-saarka Dalka Taiwan oo aan la aqoonsanayn iyo dhibaatada Musuqmaasuqu ku hayo Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa u yidhi:

“Dalka Taiwan oo aan Cidna Ictiraafsanayn wax soo saarkoodu wuxuu gaadhaa 192 Dawladood oo Adduunka ah, innagana meel walba oo aad u dhaqaaqdaa way ina Damqaneysaa, Musuqmaasuq, Carruurtii oo wada shaqo la’. Maxay Carruurtu u Tahriibaysaa, waxa Booskii shaqada ee uu xaqa u lahaa ka Imtixaanka ku soo baxay Derajada A ku fadhiya kii uu isagu Imtixaanka uga shaqeeyay ee ku soo baxay Derajada C, markaa maxay macno samaynayaan Shahaadooyinka iyo Hiigsiga Da’yartu.”

Halkan ka daawo muuqaalka khudbadii Sheekha oo dhamaystiran:

bandhige@gmail.com