Guddoomiyihii ololahaTrump oo iscasilay, kadib eedaymo loo soo jeediyey

Guddoomiyaha kooxda ololaha murashaxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, ayaa iscasilay laba bilood un kadib markii uu xilkaasi qabtay.

Paul Manafort, ayaa waxa soo wajahday caambaareyn xoogan oo ku aadan xidhiidhka uu lahaa siyaasiyiin u dhashay Ruushka iyo Madaxweynihii hore Ukraine Viktor Yanukovych.

Inkasta uu beeniyey in uu wax khalad ah sameeyey, balse muu sheegin sababta uu xilka uga tegay.

Donald Trump ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu aqbalay iscasilaadda Manafort. Ma sheegin faahfaahin intaa dheer.

Manafort wuxuu isku dayayey in uu ku qanciya Trump oo taageeradiisa ay hoos u sii dhacaysay isbucyadii todobaadyadii u dambeeyey, taasi oo uu doonayey in uu Trump iska ilaaliyo hadalladiisa, kan fiirsado inta aanu odhan.

Trump ayaa dhowaan hadallo uu sheegay waxay ka cadhaysiiyeen bulshada Muslimiinta ah iyo weliba Soomaalida, oo uu si aad ah u weeraray.

Sidoo kale waxay hadalladiisu u abuureen colaad badan oo u qaadeen Muslimiinta iyo dadka Madowga ahba.

bandhige@gmail.com