Gudoomiyaha Xisbiga UCID waxa si diiran loogu soo dhoweeyey deegaanada Gobolka Sool

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa shalay waxa  si balaadhan loogu soo dhaweeyay Deegaanka Adhi-Cadeeye ee Gobolka Sool.

Waxaana Gudoomiyaha kaga hor tagay Duleedka Magaalada Adhi-Cadeeye Qeybaha bulshada kala duwan sida Madax Dhaqameed, Haween Iyo Dhalinyaro, kuwaas oo kor u lulayay caleemo qoyan, kuna dhawaaqayay Ereyo muujinaya taageerada ay u hayan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Intaasi kadib Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka qeyb galay Shir Balaadhan oo loo qabtay Madax Dhaqameedka iyo Odayaasha ka soo jeeda Deegaannada Sool, Xaysimo, Buuhoodle iyo Sanaag-bari, waxaanu halkaasi ka jeediyay khudbad dHeer oo taariikhi ah.

Guddoomiyaha ayaa Khudbadiisa kaga hadlay Qiimaha ay leedahay midnimada, isagoo ku dardaaray in ay wax la qabsadaan shacabka Reer Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu sheegay isla markaana uu ka garaabay tabashooyinka ay soo bandhigeen Odayaasha iyo Madax Dhaqameedkaasi, isagoo sheegay in uu xukuumadda ku ilaalin doono heshiiska ay wada galaan Xukuumadda iyo Madax Dhaqameedkaasi.

Ugu danbeen wuxuu ugu baaqay Madax Dhaqameedkaasi in ay si mug leh uga qeyb qaataan shirka nabadeed ee shan iyo labtaanka bisha sideedaad ka dhici doona Burco ee uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha Somaliland.

Gudoomiyaha XIsbig UCID ayaa xalay ku soo hoyday Magaalada Laascaanood Ee Gobolka Sool, halkaas oo ku sugan madax badan oo ka qayb gali doonta xaflada lagu daah-furayo diwaangelin codbixaha gobolka Sool oo maalinta Axadda bilaabmi doonta.

Halkan ka daawo muuqaalka khudbadii shirka ee Guddoomiye Faysal:

bandhige@gmail.com