Ciidamada Koonfurta Suudaan waxa lagu eedeeyey kufsi iyo jid dil

Ciidamada Koonfurta Suudaan aya waxa lagu soo waramayaa in ay kufsadeen, jir dileen ayna dhac u geysteen shaqaale gargaar, iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanaayey Maraykanka hotel ku yaala magaalda Juba bishii July 11 keedii sida ay warisey warbixin ay wakaalada wararka ee AP shaley sii deysey.

Qof marqaati ah oo ay wakaalada wararka wareysatey ayaa sheegey in askartu ay sameynayeen dil been ah iyagoo ku qasbey dadka ajnabiga ah in ay banaanka u soo baxaan oo daawadaan sida ay u dilayaan wariyayaal u dhahay.

AP ayaa sheegtey in dadkii ku sugnaa Hudheelka Terrain oo ah meel caan ah oo ay degaan dadka safarka ah, ajnabiga iyo dadka sare ee reer Suudan ay gurmad badbaado ahaan ugu yeedheen ciidamada amaanka ee Qaramada Midoobay oo ku sugnaa meel wax ka yar hal KM sidoo kalena u dhowaa safaarada Maraykanka.

Ergeyga joogtada ah ee Maaykanka u fadhida Qaramada Midoobay Samantha Power ayaa sheegtey in ay fashilmeen Nabad Ilaaliyayaasha Qaramada Midoobay iyo dawlada Koonfurta Suudan.

bandhige@gmail.com