Ciidanka booliska oo qabtay xashiishad sida qaadka loo soo xidh-xidhay

Ciidanka booliska ayaa waxay xashiishada sida qaad loo soo xidhay sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Sareye Guuto Cabdillahi Fadal Iiman mar uu la hadlayey warbaahinta.

Taliyahay oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi:

“Ciidanka boolisku waxa isaga oo ka faa’iidaysanaya tababaradii kala duwanaa ee tayada ciidanka kor loogu qaadayey ee qorsha siyaasadda dawladda waxa ay ku guulaysteen shalay iyaga oo xog helay in ay qabtaan xashiishada badan oo loo soo xidhay sidii qaadka, barkina lagu soo dhex xidhay si loogu culaysiyo.”

Sidoo kale waxa uu Fadal ka hadlay qaababka ay isticmaalaan dadka ka ganacsada maandooriyayaasha kale duwan iyo sida ciidanku ugu diyaarsan yihiin, isagoo arrintaasina ka hadlaya waxa uu yidhi:

“Dadka mukhaadaraadka ka shaqeeyaa waxa ay keenan tabo ama xeellado ay markasta rabaan in ay ujeedadooda ku fushadaan waxase Illaahay loogu mahadiyo ah sida ciidanka boolisku u foojigan yihiin ee tab kasta oo ay qadaan ula qaadayaan mid tooda fashilisa.”

Gabagabadii waxa uu Fadal sheegay in ay hal qof ku soo qabteen xashiishadan ay soo qabteen , baaqna waxa uu diray shirkadaha qaadka keena, waxaanu yidhi:

“Dhammaan shirkadaha qaadka waxaan u sheegaynaa in ay iska ilaaliyaan in baagaga qaadka lagu soo dhex qariyo, waxaanan uga digayaaa in cida qaadka u soo xidhaa ay ka foojignaadaan.”

bandhige@gmail.com