Hanadkii hilloobay! Qaybtii 1 aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Sheekadii Sufyaan al-Sawrii

Dheegasho: Siyar Aclaam Annubalaa; Dahabi

Diinta Islaamka ayuu dhabbadeeda dhab u qaaday. Farriimaha ay diintan suubbani gudbinayso ayuu geestiisa qabtay kolkaa ayuu si geesnimo ka muuqato guudkiisa u saartay. Falalka togan ayuu si farshaxannimo leh u abbaaray isaga oo fiirinaya sugnaashaha xogta uu ku camal falayo–saddexdii raac ee ammaanta gaarka ah lagu jalbeebiyay ayuu ka sii joogay, loogamana baqanayn jaahwareer iyo jiicsin kaga timaadda guhaadda iyo gooddiga uu shaydaanku aadamaha u hayn jiray, u hayo una hayn doono. Wanaag oo idil waa lagu tilmaami jiray waracna hadalkiisaba daa. Hormoodnimadiisu waxay ahayd arrinta aan marnaba muranka gelin ee sida weyn taariikhda Islaamka ugu sugan.

Deggenaan, dulqaad badan iyo wax u fiirsi badan ayaa barbaarnimadii lagu bartay. Intaas oo dhan kolka laga yimaaddo ma ahayn af-garooc aan ereyada odhan karin ee murtidu afkiisa ayay ka soo qulquli jirtay, waxaana uu eray walba ku hubsan jiray halka uu ku habboon yahay.

Waxa lagu tuhmi jiray aqoon bislaatay, asraartan yari iyo aftahannimo Eebbe Weyne ku arsaaqay. Dhiiranaantu waxay ahayd astaan lagu majeerto; goobaha dagaalka wuu ka sheegganaa. Kolka xurgufi soo kala dhex marto Muslim iyo gaal, waxa uu ahaa geesi warmaha ku soo ganan aan ka waaban ee laabta u soo dhigta. Kolka kobta la iskugu yimaaddo ee raggu gar iyo guddoon isku soo ururaan wuxuu ahaa daacad aan kanaa wadaad ah iyo kana wabiin ah u eegin ee sidii Rabbi ku ogaa wax u kala gooya.

Dhammaan tilmaamahaasi ruuxay ku dhaboobeen iyo aanay dhaafin waa Sufyaan binu Saciid al-Sawrii, baanis na maaha ee wax bannaanka yaalla. Kolka magaciisa aan soo hadal-qaado, waxa dad badan maankooda ku soo degdegaya Sufyaan iyo sidii uu u koobsaday hormoodnimadii iyo horseednimadii aqoonta xadiiska ee waagii uu noolaa dhammaan dadkii ay isku geyiga iyo gooshka ahaayeen la ashqaraareen, qaarkoodna siiyeen kaalinta koobaad.

Tafsiirka kuma liidan ee waxa uu ahaa nin hillinka iyo hogta ayaadaha aan ku qunbucanin ee qummaati u fahansanaa. Dhan kasta oo ay noqoto diinta, Rabbi wuxuu ku galladay aqoon dihin iyo aragti fog. Dhigganayaal ayaa lagu qoray warkiisa, maqaallo luuqado kala duwan ku baxayna waa laga diyaariyay. Haddaba, aan soo minguuriyo mid ka mid ah ragga sida ugu fiican uga sheekeeyay; waa taariikhyahankii Muslimiintu u qirtay Dahabi iyo sheeko xiiso badan oo uu ka qoray. Sugnaanshaha sheekadaas shaki kuma jiro sababtuna waa hufe iyo haadiye weyn oo soo guuriyay. Maalin ayaa madaxeynihii Muslimiinta Abuu Jacfar doonay inuu magacaabo badhasaab.

Kolkii la rog-rogay dadkii waxay isku raaceen in ninka keliya ee ka soo bixi kara hawshaas loo igmaday uu yahay Sufyaan al-Sawrii. Durbadiiba waxa la diray ergo u tagta Sufyaan si ay ugu sheegaan in Madaxweynihii doonayo araggiisa. Sufyaan waa yimid wuxuuna Madaxweynihii ku yidhi,“Maxaa doonaysaa, Madaxweyne?” Madaxweynihii ayaa ku warceliyay, “Inaan kuu magacaabo gobol hebel si aad uga taliso, maadaama oo aad tahay qofka ugu habboon ee xilkaas loo igmaday ka soo baxaya.” Sufyaan ma sugsugin hadalkii Madaxweynaha ee waxa uu ku celiyay, “Kuma fiicni garsoorka.” “Iska dhaaf, waad noqonaysaaye.” Sidaas waxa yidhi Madaxweynihii.

Sufyaan oo aad u diiddan xilka loo magacaabay ayaa yidhi, “Ma doonayo inaan garsoore noqdo.” Intaas ka dib waxa aad u xanaaqay madaxweynihii Jacfar al Mansuur oo yidhi, “Meeye, ciidankii seefuhu?” “Maxaad doonaysaa, madaxeyne?” “Waxaan doonayaa salligii dadka lagu gawrici jiray iyo seeftii.” Degdeg ayaa dalabkii madaxweynaha loo fuliyay waxaana la soo diyaariyay darmadii dadka lagu gawrici jiray oo la goglay. Sufyaan oo amakaagsan ayaa yidhi, “Maxaad samaynaysaan?” “Waanu ku dilaynnaa,”ayay ku warceliyeen.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa” oo Somali iyo Ingiriisi iskugu jira:

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 3 aad (W.Q: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 2 aad

Salmaan samir badnaayee Qaybtii 1 aad

Ciidda Odxiyada iyo camalka la rabo

Toban lagu tabco

Why not learn English- 7th Article

Why not learn English- 6th Article

Gunaanadkii Muuse Biixi, gooddigii wadaaddada iyo gorfayntii Guuleed

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English- 5th Article (By: Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Why not learn English? (Gulaid Mohammed Yassin “Dalha”)

Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”

DALXAAUTHOR@GMAIL.COM

063-4839797