Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil โSayliciโ ayaa ka hadlay heshiiskii xisbiga Kulmiye ka gaadhay kaas oo soo afjarayey muran iyo cabasho xubno murrashixiin ahi ka muujiyeen hawlaha qabanqaabada shirka Golaha Dhexe ee qorshuhu yahay in uu qabsoomo 10-ka bisha Noofambar 2015.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo booqday xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye ee Hargeysa oo uu iska diiwaangeliyey, waxa uu soo dhaweeyey shaqada lagu diyaarinayo kaadhadhka aqoonsiga ee lagaga qaybgalayo shirka oo uu ku ku tilmaamay mid caddaynaya in aanay marnaba dhici karin wax isdabamarin.
Isgoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi:
โWaxaynu la soconaa in dimuqraadiyadda Somaliland tahay mid curdin ah oo aynu raad-barad nahay, haddana waxa idiin muuqata in xisbiga Kulmiye yahay tusaalaha dimuqraadiyadda Somaliland, sababta oo ah waxaad la socotaan markii aannu mucaaradka ahayn golahayaga dhexe dad tirsan oo la yaqaanno ayuu ahaa, maanta oo aannu xukuumaddii nahayna dad tirsan oo la yaqaan oo hayโadihiisa sharciga ahi u dhisan yihiin ayuu yahay. Mar walbana wax naga xumaanayaa ma jiro oo nidaam dimuqraadi ah oo xaliibnaan ama waadax ah ayuu u dhici doonaa shirku haddii Alle ka dhigo, waxaanna taa caddaynaya sida daah-furnaanta ah ee loo diiwaangeliyo qof walba oo marka shirka la gaadhanaya la isku eegayo qofka magaciisa iyo sawirkiisa, taas ayaa idiin muujinaysa in wax la yidhaa isdabamarin iyo liisas la kala haysto sidii ay xisbiyo hore oo Somaliland ahi ku burbureen aanay jirin, annaga (KULMIYE) mar walba tiro goโan oo la yaqaanno weeye, taasina aanay soo gali karayn wax madmadow ahi.โ
Waxa kaloo uu ka hadlay xalka laga gaadhay khilaafkii jiray oo uu ku macneeyey in uu ku salaysnaa dimuqraadiyadda xisbigu caanka ku yahay, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
โWaxa kaloo muuqata in aannu maanta wax khilaaf ahi jirin oo saaxiibadayadii dareenka muujiyey ay iyaguna shalay (Arbacadii) halkan yimaadeen, caddeeyeena in ay hawsha qayb ka yihiin, xisbigana madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jiro ee hawsha mar walba waxa wadaya hoggaanka xisbiga oo kolba ciddii ay gacan uga baahdaana iyagaa samaynaya ee cid kale oo guddi u soo samaynaysa iyo meel kale oo wax looga soo magacaabayaa midna ma jirto. Sidaa darteed, sidaa aad aragteen ayuu xisbigu u soo ururay, tartan xalaal ah oo furana waa lagu tartami doonaa.โ
Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxay ku soo dhaweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka xarunta xisbiga, iyadoo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad oo isagu madax u ah hawsha diyaargarowga shirka uu halkaasi warbixin kooban kaga siiyey halkay wax u marayaan oo uu xusay in ay gabogabo ku dhaw yihiin diiwaangelinta liiska golaha dhexe.