Cilmi-baadhis la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga bidaarta leh ay cudurka Covid-19 uga halis badanyihiin kuwa aan bidaarta lahayn

Dhawr Cilmi-baadhis oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ragga bidaarta qaba ay cudurka COVID19 uga halis badanyihiin kuwa aan bidaarta lahayn.

Proffessor Carlos Wamber, oo wax ka dhiga Jaamacadda Brown University oo Maraykanka ku taala, ahna madaxa Cilmi baadhistan ayaa waraysi u siiyay Jaraa’idka ‘Telegraph’ waxa u ku yidhi: “Annagu waxan rumaysanahay in bidaartu ay tahay calaamad khatar ah”.

Dhinaca kale Cilmi baadhis laga sameeyay cisbitaallo Maraykanka ku yaala ayaa lagu ogaaday in 79% ragga qaba cudurka COVID19 ay yihiin rag bidaar leh.

Cilmi baadhis kale oo laga sameeyay cisbitaallo ku yaala dalka Spain ayaa iyadna lagu ogaaday in 71% ragga COVID19 qaba ay yihiin rag Bidaar leh.

Cilmi baadhisyo badan oo lasoo bandhigay badankoogu waxay isku raaceen in bidaarta iyo COVID19 u xidhiidh ka dhexeeyo, waxaana weli lawadaa Cilmi baadhisyo kale oo isla Arinkan la xidhiidha.

Bandhige@gmail.com