Dadweynaha Ruwaandha oo la filayo in ay u dareeraan afti lagu beddelayo dastuurka

Dad lagu qiyaasay afar milyam oo qof ayaa waxay dalbadeen in Madaxweyne Paul Kagame mar saddexaad u tartamo jagadda Madaxweynenimada Ruwaanda, taasi oo sababtay in la qorsheeyo wax-ka-beddel dastuur oo ku yimaadda cod dadweyne.

Subaxnimada hore ee maanta ayaa la filayaa in dadweyne tiro badani u dareeraan afti lagu beddelayo dastuurka dalkaasi, si uu Madaxweyne Kagame isku soo sharaxo teeram saddexaad.

Dadka reer Ruwaandha ayaa la filayaa in ay si weyn codkooda uga dhiibtaan aftidan oo ay u codeeyaan in waxa ka bedel lagu sameeyo dastuurka.

Ujeedka ugu weyn ee aftidan ayaa ah in meesha laga saaro sharciga madaxweynaha ku xadidaya in laba jeer oo kaliya uu xilka qaban karo, kaasi oo ka hor istaagaya Madaxweyne Kagame in uu u tartamo doorashada soo socota.

Madaxweyne Kagame ayaa guddaha iyo dibeddaba lagu amaanaa horumarka iyo kobaca dhaqaale ee uu gaadhsiiyay Ruwaanda, hasayeeshee dadka dhaliila ayaa ku eedeeyay madaxweynaha xukun adeyg iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Madaxweyne Kagame laf ahaantiisa ayaa sheegay in uu ka dhursugayo codka dadweynaha ka hor inta uusan shaacin in uu xilkaasi mar saddexaad u tartamayo iyo in kale.

Isbadelka lagu sameynayo dastuurka ayey suuragal tahay in Madaxweyne Kagame uu u ogolaado in uu xilka sii hayo tan iyo sannadka 2034-ka, taasi oo noqon doonta 40 sano ka dib markii uu awoodda Ruwaanda la wareegay ka dib xasuuqii dalkaasi ka dhacay.

Ruwaanda ayaa waxay ka soo kabatay colaadihii sokeeyey ka dib markii uu Kagame xukunka qabtay.

bandhige@gmail.com