Labadii kooxood ee awoodda Liibiya isku hayey oo saxeexay heshiis Qaramada Midoobay taageeraysay

Laba kooxood oo sannado badan ku hirdamayey awoodda Liibiya ayaa ugu dambayntii saxeexay heshiis lagu dhisayo dawlad midnimo qaran.

Heshiiskan oo lagu saxeexay magaalada Skhirat oo wax yar uun koonfur ka xigta magaalo-madaxda Marooko ee Rabat, waxa dabada ka riixaysay isla markaana fududaysay Qaramada Midoobay.

Heshiisku wuxu labada dhinac farayaa in ay wada fadhiisaan, soona dhisaan gole dawladeed oo ay labada dhinacba xubno ka yihiin kaas oo ka saari kara Liibiya colaadihii iyo rabshadihii soo taxnaa tan iyo 2011-kii markii xukunka dalkaas laga tuuray Madaxweynihii Keli-taliyaha ahaa ee Mucamar Al-Qaddaafi.

Afartii sanno ee ugu dambeeyey Liibiya waxay u kalka fadhiday labada kooxood ee kala ah golaha la baxay “general National Congress” ee fadhigoodu yahay magaalo-madaxda Tripoli iyo Golaha Wakiillada ee caalamku aqoonsan yahay ee la yidhaa “House of Representatives” ee fadhigoodu yahay dhinaca bari ee dalka, gaar ahaan Tobruk.

Haddii uu heshiiskani sidaas ku hirgalo, xukuumadda cusub ee Liibiya waxa hor yaalla sidii ay u soo ceshan lahayd kalsoonidii dadka, isla markaana dalkeeda uga sifayn lahayd kooxda lagu caleemadeeyey argagixisada ee mararka qaar qaraxyada iyo af-duubyada dalkaas ka fuliya kuwaas oo qaar ka mid ahi dhawaan sheegeen in ay ka mid yihiin kooxda ISIS oo dawladaha dunida ugu waaweyni ay hatan beegsanayaan.

Bandhige@gmail.com