Shantii galabnimo ayey sheegaysay goor-sheegtu markii aan cagta dhigay hudheelka ‘SUN’ ee galbeedka Hargaysa. Ballan ayaan ku lahaa uu igu la ballamay saaxiib aanan muddo is arag oo maalmahaa uun ka yimid dalka Baakistaan oo uu waxbarasho ugu maqnaa.
Waxa aanu isku ahayn arday muddo ka hor ku waa xidhnaan jirtay duruusta Sheekh Maxamed Cumar Dirir Alle SWT ha xifdiyee ka dhigo masaajidka Rusheeye. Waxa aanu is baranay xilliyadii aan ku soo xidhmay masaajidka, qiyaastii wuu igaga horreeyey isagu.
Cabbaar haddii aanu wada fadhinay oo aanu is xaal waraysanay waxa nala soo fadhistay nin kale oo ahaa isla ardaydayadii xilligaa. Sida uu ii sheegay isna ninkan baa ballamiyey.
Saaxiibkaa labaad sidu ii sheegay wuxu muddo joogay magaalada Hargaysa, se dalka Liibiya ayuu waxbarasho ku soo qaatay. Ilaahay ballankii saddexdayadaasi haddii aanu in kale sii fadhinnay waxa isna nala soo fadhistay nin isna ardaydaydii xilligaa ka mid ahaa, ninkaa cidi may ballamin ee hudheelka ayuu balan kale ku lahaa sidu noo sheegay. Saaxiibkan saddexaadna dalka Sucuudiga ayuu waxbarasho diini ah ku soo qaatay.
Nala fadhisay. Kaftan, sheeko guud iyo intii la kala maqnaa nin ba waayihii ka warran. Sidii ay sheekadu u socotay ayaa la galay arrin diini ah gorfaynteed. Muddo kolkii la rogrogayey ayaa nin ba intii u soo sharaabay ku sii daayay intayadii kale.
Aniga waxa ay iila muuqatay saaxiibbaday inay ka soo biyo-cabbeen dalalkii ay ka yimadeen madahibtoodi fiqiga ahayd, taa oo keentay in nin ba ta xaqa ah ama saxda ah uu ka dhigo tan uu isagu qabo.
Dalka Baakistaan mad-habtiisu waa Xanafi. Dalka Sucuudigana waa Xanbali, xagga Liibiya ay ka tahay Maaliki. Waxa iyadna xusid mudan in mujtamaca Soomaaliyeed mad-hab ahaan haystaan Shaaficiga. Inanka saddexdaa midkood loo soo laqimo ee waliba looga soo dhigo in ay ta sugan ee saxda ah tahay kolka uu inoo soo noqdo maxaynu u sheegi?
Kolkii aan arkay dooddu xagga ay u biyo-dhacaysaa in ay tahay khilaaf mad-habi ah ayaan ka gaabsaday in aan la wadaago doodda. Markii ay isku xiiqeen baa aan hadal yar ku dhex tuuray. “Ma garanaysaan xagga aydun iska fahmi la’dihiin?”
Saaxiibkaygii Sucuudiga ayaa la soo booday, “Nimankan soo rogmay ee culimadii lagu diray ayaad ka aamusan tahaye maxaan fahmaa?”
Labadii nin ee kale ayaa qoslay kolkii uu intaa yidhi. Anigii su’aasha waydiiyay ayaa hadalkii ku noqday oo ku soo afmeeeray:
“Xaq iyo xaq la’aan iskuma haysaan ee nin ba dalkii uu tagay mad-habtiisi ayuu soo xambaartay. Dalkan aad joogtaanna saddexdaa mad-habood midna laga ma haystee maxa xal ah?”
(Saaxiibaday waan u sheegay in sheekadaa na dhexmartay aan qoraal ka samayn doono se aanan magacyadooda xusi doonin.)
Dhammaad
Tallo iyo tusaale ba waa xaggina.
Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-Rakuub
Tell: Telesom: 063 440 85 03. Somtel: 97 08 515
Email: cabdirisaaqafrican@hotmail.com
Rakuub.wordpress.com