Wasiiradda Maaliyadda Golaha Ammaanka oo isku raacay in dhaqaalaha laga joojiyo kooxda Daacish

Wasiiradda Maaliyadda dalalka Golaha Ammaanka ayaa waxay cod aqlibayad ku meel mariyeen go’aan lagu joojinayo dhaqaalaha kooxda Daacish ay hesho.

Go’aanka ayaa waxa imanaynaa wakhtiga kooxda Daacish weeraro ka fuliyeen waddanka Faransiiska.

Qaraarkan ayaa waxa uu u noqonayaa qaraarkii labaad ee ay Golaha Ammaanku isku raaceen, oo kan kii ka horeeyey la meel mariyey sannadkii 1999 kaas oo xayiraada lagu saaray dhaqaalaha kooxda Al-qaacida.

Wasiirka Maaliyadda Mareykanka, Jack Lew, oo hadal jeediyay kaddib codka loo qaaday qaraarkaasi ayaa sheegay in wadammadu ay tahay in ay mideeyaan dadaaladooda haddii la doonayo in qaraarkaasi uu noqdo mid wax ku ool ah.

Kooxda Daacish ayaa weeraro horleh la kulantay ka dib weeraraddi Faransiiska.

bandhige@gmail.com