Dagaal laba beelood ku dhexmaray Tuulada Qoriley

Tuulada Qoriley oo 84 kiiloo mitir dhinaca koonfureed ka beegan Laascaanood dagaal ku dhex laba beelood oo oodwanaag ah, dagaalkan ayaa sababay dhimasho 6 qof iyo dhaawac 4 qof ah.

Sida uu xaqiijiyey Aadan Cabdi oo ku sugan deegaanka Qoriley ayaa sheegay in koox hubaysan oo ka timid deegaanka Burtinle ee Gobolka Nugaal ee Puntland ay weerar ku soo qaadeen tuulada Qoriley, waxaanu intaasi ku daray in aan wakhti xaadirkan la sixi karin khasaaraha ka dhacay dagaalkaasi maadama oo uu deegaanku yahay mid kaymo badan leh, hase ahaatee labbada dhinacba dhimasho iyo dhaawacba way jiraan.

Inkasta oo aanay jirin ilo madax banana oo laga heli karo marxalada dhabta ee haatan deegaankaasi ku sugan yahay, hase yeeshee wararka laga helayo tuuladaasi ayaa tibaaxaya in halkaasi uu ciidan urursi ka jiro, lagana cabsi qabo in uu mar labbaad dagaal uu halkaasi ka dhaco.

Muddo haatan ku beegan sanad iyo badh ayaa laga joogaa markii labbadaasi dhinac la dhex dhigay heshiis xabad joojin ah, oo ay halkaasi ku dhex taalay colaad soo jiitamaysay muddo 15 sanno ah, waxaana arrintan soo cusboonaysiisay ka dib markii ay dhawaan dabley hubaysani ku weerartay nin ku sugnaa degaanka Cagaare oo aan waxba ka fogayn deegaanka Qoriley ee uu shalay dagaalku ka dhacay.

bandhige@gmail.com