ISIS waxay burburisay aasaartii qadiimiga ahayd ee Palmyra

Kooxda ISIS oo bishii shanaad qabsatay magaalada taariikhiga ah ee Palmyra ayaa burburisay qasri da’diisu tahay 2000 oo sanno oo ay boqoro hore wax ku maamuli jireen.

Dhismahan oo ahaa mid adag oo muddo dheer soo badbaaday dhayal-na aan ku burburi kari lahayn ayaa ISIS waxay ku xidheen walxo qarxa oo miisaankoodu yahay 30 ton (soddon kun oo kiiloo), kuwaas oo dhismihii kala dhantaalay qayb ahaana dhulka la simay.

ISIS waxay todobaadyo ka hor burburiyeen isla aasaar kale oo ka mid ah magaalda Palmyra.

Magaalada Palmyra waxay ka mid tahay magaalooyinka adduunka ugu qadiimisan, waxayna u diwaangashan tahay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka, waxbarashada iyo sayniska ee magaceeda la yidhaa UNESCO, taas oo macnaheedu tahay in qofkii aasaartaas wax yeela, haddii uu doono qof magaalada Palmyra u dhashayba ha noqdee, waxa la soo taagi karaa maxkamadda caalami ah iyo mid maxali ah.

ISIS sidoo kale waxay laba todobaad ka hor u dhamaysay khabiirkii dhinaca arkiyoolajiga ama baadhista taariikhaha eer reer Palmyra ah oo magaciisa la odhan jiray Khaled Asaad isagoo ay da’diisu ahayd 85 jir.

Aasaarta qadiimiga ahi waxay qiimo weyn ugu fadhidaa taariikhda aadamaha, waxayna soo jiidataa dalxiiseyaasha dunida ee jecel in ay wax ka ogaadaan sidii ay u noolaayeen ama isku maamuli jireen dadkii noolaa qarniyo hore.

Bandhige@gmail.com