Guddiga Farsamo ee Mashruuca Maamul Daadajinta Dawladaha Hoose oo kulan ku yeeshay Gabiley

Guddiga Farsamo ee Mashruuca Maamul Daadajinta Dawladaha Hoose ee loo yaqaan JPLGayaa shalay kulan ku yeeshay Gabiley, kulankaas oo ay kaga hadlayeen sidii maamul daadajinta loo gaadhsiin lahaa degmooyinka kale ee ka tirsan deegaanada aya maamulaan.

Ugu horeyn waxa kulanka ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdisamed Cumar Maal waxaanu yidhi:

“Waxyaabaha aynu ka hadlayno waxa kamid ahaa in la sameeyo sidii loo hormarin lahaa dagmooyinka kale ee dalka, loona gaadhsiin laha maamul daadajinta aad ka wadaan magaalooyinka aad maamushaan.”

Waxa kale oo isaguna ka hadlay Maayarka Boorama Maxamed Xasan Maydhan oo ay dhawaan doorteen Golaha Deegaanku ka dib markii xilkii uu hayey ka qaadeen Maayerkii hore muddo laba sanno iyo badh xilka hayey.

Maydhane ayaa ku cusub Mashruuca Maamul Daadajinta ee Dawladaha Hoose, oo uu waday maayerkii hore. Waxaana ka mid ahaa hadaldiisii:

“Maanta waxa loo joogo sidii uu Agaasimuhu sheegay in 45-kii cishaba uu mar qabsoomo shirkani, taasoo ku saabsan sidii loo hormarin lahaa dagmooyinka iyadoo laysla soo qaado wixii laysla fahmay iyo wixii aan laysla fahminba in la sameeyo horumar.”

Waxa kale oo isaguna ka hadlay shirkan Maayarka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi waxa hadalkiisii ka mid ahaa:

“Horta marka hore Gabiley ku soo dhawaada, marka labaadna waxaanu ku faraxsan nahay in kulankii caadiga ahaa ee Guddida Farsamo ee maamul daadajintu ay   45-kii cishaba ay maalin  qabsan jireen uu maanta ka furmo Gabiley, oo anagu aqbalnay in aanu marti galino, runtii farxad ayay noo tahay waanan ka mahad celinaynaa hawshaasi, mar saddexaad Alxamdulilah anagoo ka mid ah Dagmooyinka ay ka socoto maamul daadajintu, oo qaybta deegaanku anaga iyo Burco qayb ka nahay. Runtiina aanu caafimaadka iyo waxbarashada in aanu wax ka qabano.”

Ugu danbayntii waxa ka hadlay shirkan Badhasaabka Gobolka Mustafe Shiine waxaana hadaladiisii ka mida ahaa:

“Runtii sharaf ayay noo tahay in maanta Gabilay lagu qabto shirkan habka maamul daadajinta ee degmooyink. Maamul daadajinta ayaa laga qaaadi doonaa Gabiley lana gaadhsiin doonaa degmooyinka kale ee Gobolka, sdioo kalena ay la mid yihiin Gobolada kale. Marlabaad ku soo dhawaada Xarunta Gobolka Gabiley.”

Mashruuca Maamul Daadajinta ayaa wax weyn ka tari doona adeegyadda bulshadu ugu baahan tahay Dawladaha Hoose ee dalka oo aan wali bixin adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, balse maamul daadajinta ay mid tahay mashruucan.

Halkan hoose ka daawo warka shirkan:

bandhige@gmail.com