Suudaan oo ka dayrisay waaranka qabashada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Al-Bashir oo booqday Shiinaha

Wasiirka Arrimaha dibedda Suudaan Ibraahim Ghandour ayaa sheegay in eedayntii Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee Madaxweyne Cumar al- Bashir ay tahay kali eedayn ka timid waddamada Yurub oo dunida inteeda kale diideen oo ay ku jirto Midowga Afrika.

Wasiir Ibraahim Ghandour oo ay wareysi la yeelatatay Idaacada VOA qaybteed Ingiriisuga ayuu sheegay in Madaxweyne Bashiir sii wadi doono safaradiisa uuna tagi meelksa laga casuumi iyadoona jirin cabsi xadhig ahi.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa maanta bilaabay safar uu ku joogo Shiinaha kaasi oo u kaga qayb galayo markii Shiinu jebiyeen Jabaanka dagaalkii labaad ee adduunka.

Madaxweyne Bashiir ayaa hore safar ugu tegay waddanka Shiinaha, taasi oo aanu ka cabsi qabin qabashada waaranka Maxkamadda Dambiyada Caalamiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa waraysiga uu siisay VOA ayuu ku sheegay in waddamada Afrika ay haatan dhaqaale ahaan la macaamilayaan Shiinaha, waxaana hadaldiisii ka mid ahaa:

Suudaan waa waddamada Afrika ugu horeeyey ee xidhiidhka dhaqaale la leh Shiinaha, Shiinahuna waxay Suudaan taageereen maalmihii madoobaa ee aanu soo marnay ee soo saarista saliida oo Shiinu ka caawiyey Suudaan in saliideeda lagu sifeeyo waddanka dhexdiisa.”

Isagoo ka sii hadlaya xidhiidhka Suudaan iyo Shiinahana waxa uu yidhi:

“Wakhti xaadirkan Shiinaha iyo Suudaan waxay leeyihiin xidhiidh wanaagsan, tani waa ta keentay in Madaxweyne Bashiir ay casuumaan Shiinuhu.”

Waxa kale oo Ghandour sheegay in booqashada Bashiir ee Shiinuhu uu kulamo la qaadan doono ganacsatada Shiinaha iyo heshiisyo la gali doono dawlada Shiinaha iyo sidoo kale kulamo kale qaadan doono jaaliyada reer Suudaan ee Shiinaha ku dhaqan.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa 2009kii soo saartay waaran lagu xidhayo Madaxweyne Al-Bashiir, kadib markii ay ku eedaysay dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada iyo xasuuq ka dhacay gobolka Daarfuur ee Suudaan kuwaas oo uu gebi ahaantoodba deedifeeyey kuna tilmaamay waxba-kama-jiraan.

Shiinaha ayaan saxeexin heshiiska Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, laakiinse ah xubin joogto ah oo Golaha Amaanka.

Maxkamadda sare ee Pretoria, Koonfur Afrika, ayaa bishii Juun amar xayiraad ah ku soo rogtay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo wakhtigaa ku sugnaa Johannesburg oo uu ka qaybgalayey shirwaynaha 25naad ee Midowga Afrika.

Ghandour ayaa sheegay in aanay Suudaan oo kaliyi aaminsanayna in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dabo gasho oo kaliya madaxda Afrika balse ay aaminsan yihiin dhammaan madaxda Afrika oo dhami. Isagoo arrrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Ma odhan karno kama walwalsanina, laakiin waxaan odhan karnaa tani waa go’aan siyaasadeed, sababtoo ah waxa daba gal ku samaysaa oo kaliya arrimaha siyaasada Midowga Afrika,waddamo badan oo caalamka ayaa ka soo horjeeda, laakinse tani waa go’aan Yurub, taasina waa ta lagu daba galayo Madaxweyne Bashiir isagoo gudanaya waajibaadkiisa qaran.”

Waxa kale oo u ka hadlay arrimaha nabada Koonfurta Suudaan oo uu sheegay in ay tahay in la yimaadaan nabad waarta oo ku dhaqmaan dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan. Sidoo kale waxa uu sheegay waajibaadkaasi saaran yahay Koonfurta Suudaan, laakiinse madaxbanaanida aanay ku abuurin qas.

bandhige@gmail.com