Wasiir Cukuse wuxu ka hadlay heshiiskii haamaha shidaalka ee Golaha Wakiilladu laaleen

Wasiirka Warfaafinta ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay iyo qoraal ka dambeeyey oo la baahiyey wuxu kaga hadlay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Golaha Wakiilladu diideen in lagu wareejiyo ganacsato gaar ah.

Wasiir Cukuse wuxu sheegay in Haamaha Kaydka Shidaalka ay dhibic ka yihiin hantida xukuumadda Somaliland lagu aaminay ee ay gacanta ku hayso. Sidoo kale Wasiir Cukuse wuxu sheegay in ay xukuumaddu xaq u leedahay in ay sidii ay doonto u maamuli karto.

Sidii wasiirradii isaga ka horreeyey, qaybta hore ee hadalkiisa wuu ku beeniyey in uu jiro heshiiskan, qaybta dambena wuxu ku sheegay in aanay waxba ku jabnayn haddii xukuumaddu ay ganacsato is urursatay dhiirigeliso oo ku wareejiso Haamaha Kaydka Shidaalka.

Hase ahaatee Wasiirku si toos ah ugama jawaabin sababta ay Wakiilladu ku diideen heshiiskan oo ahayd in aanu waddadii saxda ahayd marin maadaama  qandaraaska wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka loo soo bandhigin dadweynaha Somaliland si ay ugu sinnaadaan ganacsatada dalku.

Wasiir Cukuse ka hor waxa ka jawaabo kala duwan ka bixiyey arrintan Wasiirka Ganacsiga, Wasiir-Xigeenka Ganacsiga, Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo jawaabahoodu ay ahaayeen haddalo is dhex socda oo dhinacna wax ka beeninaya dhinac kalena si dadban u xusaya jiritaanka heshiiska.

Wasiir Cukuse waxa kale oo uu hadalkiisa ku soo daray in wakhtigii uu heshiiska Cigaal la galay Total ay diideen Golihii Wakiillada wee wakhtigaas jiray laakiin xukuumaddu qorshaheedii iska sii wadatay, taas oo dad badani u fasirteen in uu uga jeedo in go’aankana ay xukuumaddu sideedii u sii wadan doonto.

Si kastaba ha haatee, waxa beryihii u dambeeyey isa soo tarayey saluug ay dad badani ka muujinayaan hannaanka qandaraasyada xukuumadda loo bixiyo iyo khayraadkii qaranka oo aan loo sinayn.

Bandhige@gmail.com