Qoraa Siciid Cali Giir oo geeriyooday iyo Madaxweyne Siilaanyo oo tacsiyeeyey

Qoraagii caanka ahaa Siciid Cali Giir ayaa Laascaanood ku geeriyooday Isniintii. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Siciid Cali Giir.

Siciid wuxu ka mid ahaa aqoonyahannada Somaliland ee qoraallada ka samayn jiray taariikhdii ay soo martay Somaliland.  Waxa gaar loogu xusuustaa qoraalladdii mugga lahaa ee uu ka sameeyey inqilaabkii fashilmay 1961-kii.

Sida lagu sheegay tacsida Madaxweynaha, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horeeysay ee qaybta ka ahaa ciidamada wakhtigii ay Somaliland qaadatay xoriyadda 1960kii, isagoo ka mid ahaa 1961kii koox saraakiila oo ka qaybqaatay inqilaabkii fashilmay oo ay doonayeen saraakiishaasi in ay ku soo celiyaan midnimadii lagu hungoobay.

Sidoo kale Siciid Cali Giir wuxu ka mid ahaa halgamaagii SNM ee qoriga kala hor tagay xukuumaddii Siyaad Bare sida uu muujinayo sawirka aanu maqaalkan u adeegsanay oo aanu ka soo xiganay Wajaalenews xuquuqdiisana ay leeyihiin Siciid Xabashi iyo Nakruuma.

Bahda Bandhige waxay Siciid Cali Giir u rajaynayaan in Ilaahay jannada geeyo intii uu ka baxayna waxay u rajaynayaan samir iyo iimaan.

Bandhige@gmail.com