Boqor Buur-madow oo ka hadlay Haamaha Kaydka Shidaalka una jawaabay Suldaan Xasan

Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan iyo Boqor Cisman Aw Maxamuud (Buur-madow ) ayaa beryahan danbe hadallo isku marinayey warbaahinta, isagoo dhawaan Suldaan Xasan qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlayey wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ayuu sheegay in aanu u jawaabayn eedaymaha Boqor Buur-madow warbaahinta u soo mariyey oo uu sheegay in aanay isku meeqaan iyo isku derejo ahayn.

Sido kale waxa isaguna shir-jaraa’id qabtay Boqor Buur-madow oo ugu jawaabayo Suldaan Xasan iyo qorshaha xukuumaddu ka damacsan tahay wareejinta Haamaha Keydka Shidaalka Berbera.

Ugu horeyn Boqor Buur- madow oo ka jawaabaya Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxa uu yidhi:

“Waan arkaayay saaka joornaalka in hadalo ku qoran yihiin, laakiin been muu sheegin oo isuma qalano, runtii weeyaan, anigu nin ummaddi dooratay oo ummadd afkeeda ku hadli kara, oo u talin kara, oo la dhegaysan karo, oo wuxuu soo qabtay taariikhiyan mandaqadan aynu joogno iyo caalamka kale waxa uu ka qabtay taariikhdiisa la yaqaano ayaan ahay anigu. Ninkana waxa weeyi cid dooratay iyo cid iskugu timid iyo cid uu magaceeda ku hadli karaa midna ma jirto, waan ka xumahay, hadal uu aniga iga tix raaco oo hadii alle badankeeda leeyahay oo aan anigu isleeyahay waxyeelo ayuu ahaa may jirin, hadal aan maalin dhaweyd hadlay way jirtay, muu ahayn hadal lafo jabis ah run ahaantii, wuxuu ahaa hadal aan kaga hadlaayey turxaan, turxaantii aan ka hadlaayeyna way muuqatay, oo isaga ayaa kow ka ah, ninkan sii hayaha saldanada Subeer Awal sheegta.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Xaqiiqatan anigu saldanadda iyo beeshaba ixtiraam badan ayaan u hayaa, miisaan ayay ku leedahay ummadda tan waan saldanad taariikh nagu leh, haddii ay tahay halgankii Somaliland-na qiimaheeda leh. Suldaan qiimo leh oo degan Imaaraadka Carabta ayaa suldaankii beesha ah, waana nasiib-darro haddii la yidhi wakiil sii noqo, de wakiil-na waa la yaqaanaa waxa uu qabto, markaa waa runtii marka uu leeyahay isku meeqaam ma nihin, anigu waxaan ahay nin la doortay, isna cid dooratay ma jirto.”

Dhanka kale wuxu sharaxaad ka bixiyey haddalo uu ka sheegay shirkii Qorilugud kaas oo uu yidhi waxa loo fasiray si aanu isagu u jeedin.

“Ta labaad hadalkaygii maalintii dhawayto sidii la doono ayaa loo dhigay, oo loo jiiday. Anigu hadalkaygu ma ahayn hadal kala-kaxaynaya ummadda oo kala fogaynaaya, waxaan ka hadlay inay labbada beelood ay hagbad ku wadda jireen, inla ilaaliyo, oo la ixtiraamo iyo in la isku soo dhaweeyana ay mudan yihiin, waliba anigu waan uga halgan badnaa isu soo dhaweynta labbada beelood, maanaan durayn beesha iyo siyaasiyiinta uu magaceeda sheeganaayo. Maka iyo madiina toona maan gubin haddii aan anigu yidhaahdo waar niman yahaw hagbad ayaynu ku wadda jirnee annagu gacantayadii waanu qaadanay, waliba anigu cidaan la hadlaayay waxay ahaayeen nimakan dhaqanka sheeganaya, oo waliba ay ayaan daro iyo nasiib xumo ay ku tahay nimankaanu xagooda wax u soo riixaynay ee aanu wax u wadnay, waxa weeyi horta faal caytama Af lagama dhawree masiibada maanta hadalkaa ninka Suldaanka sheeganaya yidhi, cida uu Suldaankooda sheeganayo ayay horta dhabar jab ku tahay waxa uu dhabarka ka tooganayaa siyaasiyiintoodii iyo xukumaadiiba.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Anigu marwalba waxaan ixtiraamayaa ummadda wixii ka dhexeeya sidii la isugu soo dhaweyn lahaa, oo maanta loo turxaan bixin lahaa, hadalkaygii horena waxa uu ku salaysnaa kala kaxayn cabasho aan ka cabanaynay ragii dhigayaga ahaa ee aan meesha ka muuqan, oo beeshii aanu xaga dhaqanka ka saluugsan nahay, oo maanta raga hormuudka iskaga dhigayaa ay yihiin raga noocaasi u hadlaaya.”

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) oo ka hadlaya arrinta haamaha shidaalka waxa uu yidhi:

“Anigu waxaan u arkaa haamaha shidaalka hanti qaran, hantida qarankana hadii la wareejinaayo waxay leedahay shuruuc lagu wareejiyo, iyo sharci loo maro, waxa habeen la gudi karona maaha, hadii la wareejinaayana waxa haboon in si wanaagsan oo la qodax tiray loo wareejiyo. Iyada oo la isku dhan yahayna si wanaagsan loo dhameeyo ayay aniga ila tahay, hase ahaatee aniga iima muuqato wax qiraal ah oo ah inay xukuumadu wareejisay haamahaasi, imana muuqato wax loo dhan yahay, laakiin waxaan arkaayay ashkhaas meesha odaysa, oo aanay waxba u farsamaysnayn.”

Gabagabadii waxa uu Buur-madow ku taliyey in haamaha keydka shidaalkaBerbera ay gacanta ku hayso xukuumadda oo ay horen u soo jeediyeen Golaha Wakiiladu, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Markaa anigu waxaan odhan lahaa arrinkaa, baarlamaanka dhawaaqiisiina wan maqlay, markaa dalku buuq uma baahna, hantida ummaddana in la ixtiraaamo ayay mudan tahay, dawladaana uga masuula, dawladuna waa inay ilaaliso shuruucda iyo hantida ummadda, anigu shaqsi ahaan waxaan qabaa in gacanta dawlada loo daayo, oo aan shacbi iyo shirkadtoona lagu wareejin.”

Hadaladda Boqorka ayaa imanaya wakhti dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka jiro waddanka, gaar ahaan xisbiga Kulmiye oo loolan siyaasadeed ka aloosan yahay.

Halkan ka daawo warka Boqor Buur-madow oo Caynaba Tv baahiyey:

Halkan Hoose ka akhriso jawaabtii hore ee Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan:

Suldaanka Subeer Awal wuxu ku taliyey in aan xukuumadda hadda wax loo dhiiban

bandhige@gmail.com