Dagaalka Kunduz oo galay maalintii labaad

Ciidamada Afqaanistaan iyo huwan Naato ayaa wali wada dib u qabsashada magaalad Kunduz oo ay maalin ka hor la wareegeen ciidamada Daalibaan.

Afhayeenka ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada Naato ay magaalada u joogaan la taliyaan ciidamada Afqaanistaan iyo dib u qabsashada Kunduz.

Dhinaca ciidamada Maraykanka ayaa weeraro dhinaca cirka ka gaystay Kunduz gaar ahaan fadhiisamada ciimada daalibaan.

Ciimada Daalibaan ayaa ku sii jeeda qabsashada madaarka Kunduz.

Ciidamada sirdoonka ayaa sheegay in hogaamiyihii Daalibaan ee Kunduz lagu dilay garoonka diyaaradaha agtiisa. Sidoo kale Afhayeenka daalibaan ayaa beeniyay dilka.

bandhige@gmail.com