Waa kuma wadaadku? (W.Q: Nuur Xaaji Xiiray)

Mawduucan ninbaa maalin dhawayd wax ka qoray, su’aal baa is waydiin leh, wadaadku waa kuma?. Anigu aragtidayda haddii aan is idhaa bal qeex waxa laga yaabaa in aan qaldo, laakiin waa ra’yi saxna waa noqon karaa qaladna waa noqon karaa, dadkeenu wadaad maanta waxay yidhaahdaan nin shanta waqti tukada diinta barta ama bara, taasina nin wal oo Muslim ah waa ku waajib, gaalada ayaa leh wadaad iyo waranleh, mid loo dambi dhaafo iyo mid u dambi dhaafa. Nin wal oo Muslim ah waa wadaad ninka dayacaa doorkiis cidna yuu canaanan.

Maalin ayaanu aas joognay markaas ayaa janaasadii lagu tukanaayay ayaan idhi:

“Waar kaalaya wixii wadaadow ku tukada maydka.”

Markaa oday i ag taagnaa ayaa yidhi:

“Adeer maxaad inoo kala saartay.”

Waxaan idhi oo miyaynaan wada wadaad ahayn ma waran laa inagu jiraa, wadaadku ka salaada tukada uun miyaanu ahayn.

Horta waxaan idiin sheegayaa nin wal oo Muslim ah waxaa ku waajib ah in uu diintiisa barto, ku dhaqmo fidiyana, markaa ninka doorkiisa dayac isaga ayay u taal, ninka fuliyayna canaan ma mudna ee ammaan ayuu mudan yahay.

Wuxuu ka hadlay qodob kale oo wadaadku bulshada waxba kama yaqaan, waxaan kuu sheegayaa adoon dhex galin in aad bulshada ogaan karto fikirkeeda dhaqankeeda iwm.

Nin aqoon yahan ah ayaa yidhi:

“Qofka sidu u fikiro waan ogaan karaa anoon arag.”

Waa lala yaabay oo sidee u dhici kartaa adoon arag inaad wax ka sheegto qofkaas.

Wuxu yidhi:

“Waxaan tagayaa gurigiis buugaagta u taal ayuun baan eegayaa, haddii uu dhakhtar yahay buugaagtii dhakhaatiirta ayuun baan ku arkayaa, haddii uu wadaad yahay kutubtii diinta ayuun baan ku arkayaa, haddii uu (play boy) yahay jaraa’idkii (play boy) ga ayuun baan arkayaa iwm.

Hadaba ninka doonayaa in uu bulshadeena wax ka ogaado maskaxdooda iyo sida ay u fikiraan xaguu tagayaa, majliska qaadka ayuun buu tagayaa, waynu naqaanaa majliskana waxa yaal markaa maskaxda bulshadeenu waa taa. Uma baahna in aad dhex fadhiisato waxay u baahan tahay in aad ka soo kiciso.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray,

nur.hersi21@gmail.com